Madaxweyne Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha oo ka Hadlay Laba Marxuun oo Maanta Hargaysa
Hargaysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan golaha wasiirada Somaliland ee uu ka tirsanaa kana baxay Alle haw naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Jaamac oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland oo xanuun ku soo booddo ah xalay ugu geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Bahda fanka iyo suugaanta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw naxariistee Marxuum Cabdillaahi Mire Dacar (Shay Mire), oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay 17.07.2016.
Waxanu ku simaha madaxweynuhu ku sifeeyey marxuumka, abwaan magac iyo karaamo ku leh shacbiga Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, isagoo ahaa hal-abuur ku xeeldheer qaybo ka mid ah fanka iyo suugaanta Soomaalida, sida heesaha, fannaanimada, tumista Kamanka, samaynta laxanka iyo midhaha. Waxanu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN