|

Xukuumadda Somaliland oo Si Rasmi ah uga Hadashay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Deegaanka Degmada Dhahar Iyo Khasaaraha ka dhashay DAAWO

Hargaysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa Jawaab adag ka bixisay Duulaan Gardaro ah oo Ciidamo ka Tirsan Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land ay Maanta ku soo qaadeen deegaanka lagu magacaabo Boodda-cad oo 30km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Dhahar ee gobolka sanaag .
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta kula hadlaysay Qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa Sheegtay in ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ay saaka soo weerareen Ciidamada Somaliland oo degan Saldhiga Boodda-cad oo ku yaalla duleedka Degmada Dhahar ee Bariga sanaag, Waxayna Xustay in Ciidamada Qaranku Dhirbaaxo kulul gaadhsiiyeen Ciidamadii Ku Soo Xadgudbay Xuduuda Somaliland Gacantana lagu Dhigay Maxaabiis dagaal.

Comments are closed