Baarlamanka Puntland oo si kulul uga hadlay Dagaalkii Saaka,Luuqad adag oo ay Kula Hadleen Madaxweyne Gaas Iyo Nuxurka Baaq ay u Jeediyeen Somaliland DHAGAYSO
Garowe 18.July 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada dawlada Puntland ayaa maanta warsaxaafadeed ay ku qabteen gudaha caasumada Garowe waxay sheegeen inuu dagaalkaasi uu san hayn mid u dhexeeya labo maleeshiyo ee uu yahay dawlada kusoo duushay dawlada kale sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaanada kasoo jeeda gobolada uu dagaalku ka socodo ayaa sheegay inay jirto khasaarooyin kaladuwan kuwaas oo loo gaystay dhinacyadii dagaalku ku dhex marayey gobolka.
Puntland ayey mudanayasha baarlamku ugu baaqeen inay qaado tilaabo deg deg ah si loo joojiyo dhimashada dagaalkaasi uu sababayo iyo weerarka ay Somaliland ku qaadayso dadka sida ay u sheegeen warbaahinta.
Xildhibaanadan ka hadlay dagaalkii maanta ayaa sheegay Somaliland laga doonayo inay joojiso dhaq dhaqaaqa ay ka wadaan gobolka iyo doorashada ay sheegeen inaysan ka dhacayn gobolka Sanaag .