|

Shirweynihii 27 ee Ururka Midnimada Africa oo Isku Maaweelinaya Qodobo ay Dhaqan gelintoodu ku adag tahay Wadamada Africa

Kigali 18.July 2016 (SDN/QJ):- Kigali, Rwanda waxaa ka bilawday shirweynihii 27aad ee ururka Afrika. Arrimo badan oo dannaha Africa khuseeya ayaa laga wada hadlayaa.

africaHogaamiyaha Rwanda oo ka hadlayay shirka oo uu marti galiyey ayaa yidhi “Waxaynu u kulanay in aynu si ka go’naan aha uga wada hadalno dannaheenna”.

Paul Kagame wuxuu Africa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dumarka uga qayb galin lahaayeen hogaaminta dalalkooda. Rwanda, 60% xubnaha Baarlamanku waa dumar. Wuxuu sidoo kale ku dooday in ay Africa maal galiso hawlaheeda oo laga baxo ku tiirsanaanta deeqaha reer Galbeedka.

Shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay baasaboor ay markii u horeysay uu yeelanaya ururka Africa – waxaa dusha kaga qoran African Union, iyadoo mark dalalka ururka loo daadajiyana lagu hoos qori doonnno dalka uu u dhashay muwaadinkaasi Afrikaanka ahi – Baasaboorkii u horeeyey waxaa qaatay Paul Kagame halka ka labaadna uu qaatay Madaxweybaha Chad, Idriss Debby.

Shirka waxaa aad looga hadlay colaada kasoo cusboonaatay South Sudan, iyadoo shirka laga soo jeediyay in South Sudan loo diro ciidamo dheeraad ah oo amaanka shicibka iyo shaqaalaha gargaarka suga – waxase arrintaasi ka soo horjeedsatay dawladda South Sudan oo ku dooday in ciidamo ku filan oo kor u dhaafaya 12000 ay joogaan dalkooda.

Arrimaha kale ee shirka sida weyn uga dhex socday ayaa ahaa ololaha cida hogaaminaysa ururka Africa kaddib Dr. Dlamini Zuma oo wakhtigeedii hadda dhamaanayo. Prof. Vincent Nmehielle, madaxa Arrimaha sharciga ee ururka Africa oo ka hadlayay arrimaha doorashada madaxda soo socda ee ururka ayaa yidhi “Doorashadu way sii soconaysaa, marka magacaabistu soo gabo gabowdo waxaa tartamayaasha loo gudbinayaa khubaro madax banaan oo warbixinta u dambaysa u gudbinaya wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka ururka Africa oo ansixinaya liiska”.

Xubnaha sida weyn ugu loolamaya in ay hogaamiyaan ururka Africa ayaa kala ah Dr Specioza Wandira Kazibwe (Uganda), Dr Pelonomi Venson-Moitoi (Botswana) iyo Agapito Mba Mokuy (Equatorial Guinea).

Maalmo yar ka hor bilawgii Shirka ayaa Maxkamadd caalamiga ah ee dambiyada (ICC) oo ay dalalka Ururka Africa u arkaan mid iyaga loo samaystay ay Qaramada midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah dalalka Djibouti iyo Uganda sababo la xidhiidha in ay soo xidhi waayeen madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al Bashiir oo ay Maxkamaddu raadinayso.

ICC ayaa Rwanda ka dalbatahin ay soo xidhaa Al Bashiir balse Wasiirka Ummuuraha Dibbada ee Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa cadaysay in aysan Rwanda soo xidhi doonnin Madaxweynaha Sudan oo ka qayb galaya shirka madaxda Africa uga furmay Kigali. Rwanda ma aysan saxeexin heshiiskii Rome Statute ee ay ku aas-aasantay maxkamadda ICC.

Shirku wuxuu barri gali doonnaa maalintiisii Labaad.

Comments are closed