‘’Hadii Kalese Goolaaftankiyo Qayladiyo Gooha iga Daaya’’ Cali Guray
Hargaysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka
QODOBKA 23 AAD
Qaabka Soo Bandhigidda Musharixiinta
Xarafyada 1,2,3&4 waxay khuseeyaan Musharixiinta Golayaasha Degaanka
xarfaha 5,6$7 ayaa khuseeya musharixiinta Madaxtooyada sida soo socta:
- Musharaxa isu soo sharaxay jagada Madaxwaynaha ama Madaxayne/xigeenka wuxu xaq u leeyahay inu ka tanaasulo. Hase yeeshee waa inu qoraal rasmi ah u soo gudbiyaa xisbigii uu iska soo sharaxay iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 20 maalmood ka hor taariikhda codbixinta.
Xisbigii uu musharaxaasi iska soo sharaxay wuxu soo bedeli karaa oo keliya 7 maalmood ka hor taariikhda cod bixinta
- Hadii Musharax Madaxwayne ama ku xigeenkiisa ee xisbiyada siyaasaddu uu geeriyoodo ka dib marka la soo gudbiyo liiska, xisbiga ay khusaysaa wuxu xaq u leeyahay inu soo bedesho 7 maalmood ka hor taariikhda cod bixinta. Hadii uu musharaxu geeriyoodo 7da maalmood ee ugu dambeeya gudahooda, xisbigaasi xaq uma laha inu soo bedesho. Xaaladaha ku saabsan banaanaashaha jagada Madaxwaynaha ama ku xigeenka ee ku xusan 86aad iyo 89aad ee Dastuurka waxa loo tixraacayaa Dastuurka
- Hadii mudada lagu cayimay farqadaha 5aad iyo 6aad ee 7da maalmood ah ay ku soo bedeli waayaan musharixii ay jagadiisu banaanaatay sababaha farqadahaasi awgood, magaca musharaxa ay jagadiisu banaanaatay ayaa lagu tartamayaa.
Marka sharciga dib loogu noqdo iska daa Jamaal Cali Xuseen eh Cabdirashiid Xasan Mataan oo WADDANI ah ayay tahay in istaqaaladiisa uu qoraal rasmi ah ugu soo gudbiyo UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka 20 maalmood ka hor taariikhda cod bixinta. Halka UCIDna ay tahay inu bedelkiisa ugu gudbiyo Komishanka Doorashooyinka 7 maalmood ka hor taariikhda cod bixinta. Hadii xisbigu ugu gudbin waayo ka hor mudadaa todobada maalmood ah sabab kasta ha ku dhacdo eh magaca Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa lagu tartamayaa sida xeerku leeyahay
Xeerkan ayaa isagu inoo cadaynaya in Musharaxa Madaxwaynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen ama Musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee Jagada Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu ay ku banaanaan karaan jagooyinkoodu iyaga oo is tanaasula iyo iyaga oo geeriyooda. Arimaha ku xusan Q. 86aad iyo Q.89aad ee banaanaanta jagooyinka Musharixiinta Jagada Madaxwayne iyo Madaxwayne xigeenka waxa loo tixraacayaa Dastuurka. Intaa wax aan ahayn oo sharciyadda arinta Musharaxnimada JAMAAL CAL XUSEEN iyo banaanaanteeda khuseeya ma jirtaa? Hadii uu jirto bal sida anigu aan halkan ugu qodobeeyay Cidda haysaa ha u soo qodobayso HADII KALESE GOOLAAFTANKIYO QAYLADIYO GOOHA IGA DAAYA