Taliyihii Hogaaminayay Inqilaabkii Dhicisoobay ee Turkiga oo Ciqaab adag Mari doona iyo Tirada Ciidamada Turkiga ee Inqilaabkii Fashilmay ka Qayb qaatay ee Ilaa hada Xabsiyada loo Taxaabay
Ankara 18.July 2016 (SDN/QJ):- Dowlada Turkiga ayaa sii wada xadhiga qaar ka mid ah saraakiisha milatariga iyo hey’ada garsoorka kuwaas oo looga shakisanyahay in ay ka danbeeyeen afganbigii dhicisoobay ee Jimcihi ka dhacay dalkaasi.
Wasiirka cadaalada Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in la xidhay ilaa iyo 6,000 oo ruux,isla markaana tirada qabqabashada ay sii kordhi doonto.
Dadka la Xidhay Waxaa ka mid ah abaanduulaha cutubka sadexaad ee ciidanka qalabka sida General Erdal Ozturk, kaasoo wajahaya dacwado khiyaano qaran.
Saraakiil sare oo ka tirsanaa milatariga isla markaana loo maleynayo in ay ku lug lahaayeen iskudaygii inqilaab ayaa u duulay dalka Turkiga deriska la ah Giriiga.
Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa ka codsatay Giriiga in ay soo gacan geliyaan saraakiishaasi.
Kumannaan kun oo ruux ayaa habeen hore isugu soo baxay fagaaraha Kizilay ee badhtamaha magaalada Ankara iyo sidoo kale magaalada sedexaad ee ugu weyn dalka ee Izmir, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Sheegay in hay’adaha Laamaha dawlada laga sifayn doona Wax uu ku Tilmaamay Fayris soo kala dhex galay Ciidamada Iyo Dawlada,Waxa uu Madaxweyne Erdogan ka dalbaday dhigiisa Maraykanka Barak Obama inuu Gacanta u soo Geliyo Waddaadka Masaafuriska ku Jooga Maraykanka Fardulaha Gulaan oo uu ku Sheegay inuu Mas’uul ka ahaa Inqilaabkii dhicisoobay ee Dalka Turkiga ka dhacay.