|

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay inaysan Saamayn ku yeelanayn Bixida Hay,ada Nile Academy Waxbarashada Schoolada

Muqdisho 18.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen,oo lahadlay warbaahinta  ayaa sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dalka howlihii Hey’adda Nile Academy ka waday Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirada u qabteen in 7-maalmood dalka uga baxaan.

 

odowaaGolaha Wasiirada ayaa isku raacay in gebi ahaanba la joojiyo Howlihii Hey’adda Nile ka waday Soomaaliya, kadib markii la sheegay in hey’addaas ay hoos-tago hey’ado uu leeyahay ninka la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee ka dhacay dalka Turkiga.

 

Wasiirka C/raxmaan Maxamed Xuseen, oo waraysi siiyey VOA,da ayaa yiri”Hey’adda Nile Academy waxay gacanta ku heysaa Iskuulkii la dhihi jiray Buulo Tikniko oo ay hada u bixiyeen Beder School, Dugsigii sare ee Banaadir oo qeybna Iskuul ah iyo qeybna uu ku yaalo Isbitaalka Deva”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka ayaa gaba gabadii sheegay in wixii ka danbeeya maanta ay heystaan shaqaalaha Hey’adda Nile inay dalka uga baxaan mudada 7-da maalmood, isla markaana madaxdooda lala kulmi doono.

Comments are closed