Hoos u Dhaca Baaxada Leh ee Ku Yimid Siyaasada Somaliland ee Dalkaa Itoobiya,Qaab Maamuuskii Hore loo Yaqaanay iyo Maqaamka Maanta lagu soo dhaweeyo Madaxda Somaliland
Hargeysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Wakhtiyadii aynu soo dhaafnay xaaladda siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay soo martay maraaxil kala duwan oo wakhti kastaa waayihiisa lahaa iyada oo xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo tii ku xigtay ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la sheego in ay si weyn u dhaantay sida ay maanta tahay tan iyo intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyaa talada dalka qabatay badhtamihii sannadkii 2010.
Dad badan oo siyaasadda odorsaa waxa ay Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilaan mudadii Lixda sano ahayd ee uu talada joogay in ay si weyn hoos ugu dhacay meeqaamkii siyaasadeed ee Somaliland ku lahayd dalalka dunida gaar ahaan dalalka saaxiibka la ah iyada oo dhinaca kale ku fashilantay xukuumadda Siilaanyo in ay saaxiibo hor leh kasbato oo badhi taara qaddiyadda Ictiraaf raadinta iyo ugu yaraan saaxiibo cusub oo diblomaasiyadeed halka taa baddalkeeda Siyaadda Arrimaha Dibadda ee dalka dhaawac weyni ka soo gaadhay sida dad badani qabaan wada hadallada Madaxweyne Siilaanyo la furay maamulka Muqdisho oo aan hore haba yaraatee xukuumadihii ka horreeyey hore wax wada hadal ah ula furi jirin.
Inkasta oo siyaalo kala duwan loo faallayn karo oo doodo waaweyni ka furan yihiin arrinkaasi iyo qiimayntiisa wakhtigana aynaan u ban baxayn arrinkaasi in aynu sii faahfaahino, faalladeenan kooban waxa aan ku gaabsan doonaa sawiro aan akhristayaasha la wadaagayno oo muujinaya farqiga u dhaxeeya xaaladda siyaasadeed ee Arrimaha dibadda ee wakhtigii Daahir Rayaale iyo maanta oo uu wasaaradda Arrimaha dibadda joogo Aqoonyahan Sacad Cali Shire, gaar ahaan kulankii toddobaadkan caasimadda Kililka 5aad ku dhex maray wafti uu Sacad hogaaminayo iyo Madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya .
Halka aan soo qaadan doono sawir kaasi oo Muujinaya in Maareeyaha Dekada Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo Gaadhay inuu Gacan qaado Madaxweynihii hore ee Itoobiya ee Heer Federaal Ato Girma Woldegiorgis halka uu Toddobaadkan Mudane Sacad Cali Shire kulan la qaatay Madaxweynaha heer Federaal ee Soomaalida Itoobiya iyada oo aan faallada arrinkaasi Akhristayaasha u dhaafi doono.
Sidoo kale waxa aan kaasi ku lammaanayn doonaa sawir muujinaya kulan gaar ah oo wakhtiyadaasi hore dhex maray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi iyo Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii hore ee Somaliland isaga oo Meles ahaa hogaamiyihii Itoobiyada cusub ee ugu awoodda weynaa.
Shaki kuma jiro in dhaawac weyni soo gaadhay milgihii iyo muuqaalkii Siyaasaddeena khaarajiga tan iyo intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka qabatay walina lama oga waxa ka midho dhali doona qorshaha siyaasadda cusub ee Khaarajiga ee uu dhawaan shaaciyey Wasiir Sacad inkasta oo ay gabaabsi tahay muddo xilleedka xukuumadda uu ka tirsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee falanqaynta arrinkaasi waa mid u taalla aqoonyahanka reer Somaliland ee diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah wax ka bartay iyo guud ahaan daneeyayaasha arrimaha dibadda.