Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargeysa
Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Alle u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ahaa Noha iyo Tax (Tukhaan) galbeedka caasimadda Hargeysa agagaarka Muqaaxida Inanta meesha loo yaqaan Oromada.
Shilkan labada gaadhi oo dhacay shalay galab ayaa waxa ku naf-waayay Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Xasan, oo hawl wadeenada Caafimaadka ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa ay noo sheegeen in uu ahaa Dirawalkii Tagsiga yar ee Tukhaanka ah waday.
Waxa Iyagana cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa lagu dawaynayaa saddex qof oo ku dhaawacmay shilkan oo magacyadoodu kala yihiin Nuur Abiib Xasan, Caddaani Axmed Cabdilaahi iyo Safiya Warsame.
Taliyaha laanta nabad-gelyada Waddooyinka ee ciidanka booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis,ayaa sheegay in shilkaa khasaaraha ka dhashay dhimasho iyo dhaawacba uu leeyahay isla markaana ay gacanta ku hayaan sababta shilkaasi u dhalisay oo ay baadhistiisu socoto.
Maamulka Gobolka Selal Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Qudbiga Sheekh Ibraahim Saylici Oo La Qotay