Gudiga Anshaxa Doorashooyinka Oo Digniin U Diray Xisbiyadda Siyaasada
Ceerigaabo 17.July 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee guddi anshaxa doorashooyinka Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cabdi (Gaagaab), ayaa digniin u diray saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid, islamarkaanna wuxuu sheegay in xisbiggii lagu arko calaamadaha iyo wax muujinaya astaanta xisbiga laga qaadi doonno talaabo cad xilliga diiwaangelinta.
Xoghayuhu wuxuu sidaa ka sheegay shirjaraaid oo ku qabtay magaaladda Ceerigaabo oo uu Shalay ku Qabtay Magaalada Ceerigaabo .
Xoghayaha oo arrintaa ka hadlayaanna wuxuu yidhi; “Komishanka doorashooyinka heer qaran waxay u yeedheen saddexda xisbi qaran gudoomiyayaashooda, Waddani waxa yimi guddoomiye ku-xigeenka soo ay soo dirsadeen, dabadeedna waxaanu u soo bandhignay inay hawshan diiwaangelinta dhexgalinayaan joojiyaan, amaawiirtanna aanu soo saarnay, dabadeedna gudoomiyayaashu way nala qaateen”ayuu yidhi Gaagaab.
Sidoo kale, wuxuu taliyaha ciidanka heer qaran ilaa heer degmo loo sheegay inay talaabo ka qaadaan xisbigii fulin waaya amaawiirta ku dhaqanka anshaxa.“Haddaba anagoo taa eegayna, halkan (Sanaag) waxaanu u joogna in aanu kormeerno xisbiyadda oo aanu la socono xaaladooda ishanna ku hayno, imikanna xaaladooda waanu la soconay markii ay gobolka soo galeen. Xisbigii beri (Maanta), laga bilaabo waxay xaq u leeyihiin inay meelaha diiwaangelinta soo kormeeraan, iyagoon sidan calamo, istiikaro iyo wax calaamad ah oo muujinaya xisbi. Haddaba waxaanu runtii u sheegayna xisbiyadda, xisbigii lagu arko labadda gobol ee hadhay iyo gobolka Sanaag ee diiwaangelintu ka bilaabmayso, xisbigii lagu arko waxa ka baxsan xeerka lagu heshiiyay waxaanu ka qaadanay talaabo cad oo anshaxa marineed, taliyaha booliska ilaa heer qaran ilaa heer gobol, waxaanu u sheegayna in xisbigii aan amaawiirta fulin ay talaabadda ku haboon nagala qaadaan”ayuu yidhi Gaagaab.