Dagaalka Shidaalka ee Adduunka oo u Dhexeeya Waddamada ( Shiinaha & Maraykanka ) DAAWO
Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Tirada iyo Number-adu iyaga ayaa faallo iska bixiya, shan qof oo kasta oo dunida ku nool mid ka mid ah ayaa u dhashay Dalka shiinaha, maantana shiinuhu waa dalka labaad ee shidaalka ugu badan dibada ka soo iibsada marka laga reebo wadanka maraykanka, laakiin waxay haystaan mid ka mid ah kobocyada dhaqaale ee dunida ugu wanaagsan, iyadoo baahida ay shidaalka u qabaan uu todoba jeer ka badan yahay tirada dadkeeda, xilli ay intii ay qayb uga heshay nasiibkeeduna uu sii dabo yar yahay. Waxana shiinuhu ay xiligan hawlgab ka yihiin inay soo saaraan xadiga shidaal ee ay u baahan yihiin, taasina waxay khasab kaga dhigaysaa inay dibada ka soo iibsato kala badh shidaalka ay u baahan tahay, sanadaha soo socdana waxaa la saadaaliyey in shidaalka ay la soo degi doontaa uu gaadhi doono sadex daloolow labo dalool,hadii kale waxay la kulmaysaa hoos u dhac dhaqaale oo dhamaystiran. Taa darteed waxaa lama huraan ku ah inay dalal cusub u soo saarto shidaal, xilli ay ka jiraan iska hor imaado isa soo taraya.