Xukuumadda Somaliland Iyo Mucaaridkeeda oo Canbaareeyay Inqilaabkii Fashilmay ee Turkiga Hambalyana u diray Shacabka iyo Dawlada Turkiga DAAWO
Hargaysa 16.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku Hambalyeeyay Shacabka Gobolka Sanaag sida Muga leh ee ay uga qayb qaateen Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha,Waxaa kale oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Hambalyo u diray Raysal Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska Halka uu Sidoo kale Bogaadiyey in Madaxweynaha Waddanka Turkigu uu ka badbaaday Isku day Inqilaab oo Qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sidaa ay isku dayeen Hasa yeeshee ay Shacabka Turkigu u Guntadeen in Talada dalkoodu ay ku noqoto Ciidamada.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Canbaareeyay Talaabada ay ku Kaceen Ciidamada Qalabka Sida ee Turkigu Si ay afganbi ugu Sameeyaan Dawlada dalkaasi.