Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay Af-gembigii dhicisoobay ee Turkiga
Muqdisho,16,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay isku day afgambi militire oo dhicisoobay, kaasi oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay fuliyeen koox ka tirsan militeriga dalka Turkiga.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay iskudayda dhicisoobay ee koox ka tirsan militeriga Turkiga isku dayeen inay ku afgambiyaan dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageersantahay dowladda Turkiga ee sida sharciga ah lagu soo doorta Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, waxaana uu shacabka iyo hogaamiyeyaasha Turkiga u rajeeyay inay xoojiyaan midnimadooda.
Madaxweynaha waxa uu u rajeeyay dowladda iyo shacabka Turkiga inay ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo.