Wararkii ugu dambeeyay ee af-gembigii dhicisoobay ee Turkiga
Ankara,16,72016 (QJ/SDN) – Inqilaabkii ay saraakiil ka tirsan Mileteriga dalka Turkiga ay sammeeyeen ayaa fashilmay, waxaana dalka gacanta ku haya dowladda dalkaasi ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.
Inqilaabka ayaa fashilmay kaddib markii ay shacabka dalka Turkiga u hoggaansameen farriintii madaxweyne Erdogan ee ahayd in ay isu soo baxaan, isla markaana ka hortagaan inqilaabka saraakiisha ciidamada qaarkood damacsan yihiin. Shacabka iyagoo ka jawaabaya farriinta madaxweynahooda ayay waddooyinka isugu soo baxeen, waxayna jiidheen askar taangiyo watay oo weliba mararka qaarkood rasaas ku waabinayay.
Dadweynaha oo aad u cadheysnaa ayaa waxay qab-qabteen, hubkana ka dhigeen askartaas qaarkood, iyagoo sidoo kalena la wareegay taangiyo. Waxaa la dhihi karaa Shacabka Turkiga waxay muujiyeen in ay kalsoonida u hayaan madaxweynahooda ay doorteen ee Recep Erdogan.
Marka laga soo tago in dadweynaha ay muujiyeen shucuurtooda af-gembi-diidka ah haddana waxaa dhinaca kale kaalin weyn ciyaaray ciidamada booliska oo diiday in mileteriga awood isticmaalaan, dalkana la wareegaan waxayna rasaas isku weydaarsadeen mileteriga inqilaabka rabay iyo ciidamada booliska goobo ka tirsan magaalada Istanbul.
Intii uu socday isku-dayga af-gembiga dhicisoobay ayay ciidamo wata taangiyo la wareegeen garoomada Ataturki Istanbul iyo Ankara, waxayna joojiyeen duulimaadyadii labada garoon, balse taasi kama horjoogsaan Madaxweyne Erdogan in uu kasoo dego garoonka Ataturki.
Madaxweyne Erdogan oo kaddib imaanshihiisa Istanbul la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cid kasta oo ka dambeysay isku-dayga inqilaab ay mudan doonto ciqaab culus, wuxuuna intaas ku daray in uu jiri doono qorshe lagu nadiifinayo ciidamada. Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in ay billaabatay soo qabqabashada saraakiishii falkaas ka dambeeyay, kuwaasi oo sida uu yidhi heli doona abaalka ay muteysteen.
Sidoo kalena, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Mr. Binali Yildirim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in awoodda ay gacantooda ku jirto, isla markaana aanay jirin cabsi ay ka qabaan in ay guuleystaan kooxihii isku dayay af-gembiga.
Xaalka ayaa hadda wuxuu ka degan yahay sidii uu ahaa saacado ka hor, gaar ahaan markii uu soo baxay warka ku saabsan in ciidamo mileteri ah ay af-gembiyeen dalka Turkiga, waxaase hortaalla dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan howl badan oo isugu jirta hagaajinta dowladda iyo weliba sugidda ammaanka bacdamaa ay Turkiga ka dhaceen shan qarax oo khasaare xooggan geystay.