Shir ay leeyihiin Wasiiro Arrimo Dibadeedka midowga Africa oo ka socda Rwanda
Kigali 15.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa maalintii shanaad magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka socda shirka 27-aad ee madaxda dalalka Afrika.
Shirka qeybtii koobaad waxaa kulmay safiirada AU, waxayna ka hadleen baasaboorka cusub ee Afrika, Dagaallada Sudaanta Koofureed iyo diyaar gareynta qodobada ay madaxda Afrika ka hadlayaan marka ay kulmaan.
Ka dibna, waxaa wada fariistay wasiirada arrimaha dibadda oo ka hadlay qodobo xasaasi ah oo qaar ka mid ah aysan illaa iyo hadda isku waafaqin.
Ka dib markuu shirkaasi dhammaaday, waxaan BBC-da u warramay safiirka Soomaaliya ee AU, Dr Maxamed Cali Noor.
Waxaa wareystay Axmed Xaji Xasan, oo ku sugan xarunta shirarka ay ka socdaan ee magaalada Kigali, dalka Rwanda.