Weriyeyaal Uu Guddoomiyaha WADDANI U Kaxeystay Ceerigaabo Oo Baahiyey Muuqaalka Dhallinyaro DHAGAR-QABE Ku Sheegaya Muuse Biixi & Xasaasiyadda Arrintaasi Ka Dhex Abuuri Karto Beelaha
Ceerigaabo, 15 July, 2016-(SDN/QJ):– Dhallinyaro sita Calanka Xisbiga WADDANI, ayaa Magaalada Ceerigaabo lagaga duubay Muuqaallo khilaafsan Hab-dhaqanka Xisbiyada badan iyo tartanka ka dhexeeya Bulshooyinka kala taageersan Xisbiyada ee ku kala nool deegaannada kala duwan ee dalka.
Muuqaalladan oo ay Baraha xidhiidhka Bulshada ku baahiyeen Weriyeyaasha uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u kaxeystay Magaalada Ceerigaabo, isla-markaana taabacsan Xisbigaas, ayaa Dhallinyarada ka hadlayaa eedaymo ugu jeedinayaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ku tilmaamaya Dhagar-qabe.
Dhallinyaradan ayaa sidoo kale ku gooddiyey inaanu Guddoomiyaha KULMIYE tagi karin Magaalada Ceerigaabo, maaddaama bay yidhaahdeen ay ka aaminsan yihiin inuu dambi ka galay Reer Ceerigaabo.
“Muuse Biixi waxaanu uga baqeynaa inaanu imanin Ceerigaabo, waa Dhagar-qabe oo ma iman karo Ceerigaabo,” ayuu yidhi, Mid ka mid ah Dhallinyarada Muuqaalkan laga duubay, kaasi oo sitay Calanka WADDANI isla-markaana ka mid ah Taageerayaasha Xisbigaasi.
Mid kale oo ka mid ah Dhallinyaradan, ayaa sheegay, “Muuse Biixi waxba uma yaallaan Ceerigaabo, oo lagama ogola.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Garoonka Xawaadle haku ekaado.”
Hadallada ka soo yeedhay Dhallinyaradan oo u muuqday kuwa la soo abaabulay, ayaa khalkhal ku keeni kara isku socodka Dadweynaha Reer Somaliland, maaddaama oo Weedhahooda xanafta leh ay ka jawaabi karaan Dad taageersan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Dhallinyaradan ayaa muuqaallada laga duubay, ka dib markii ay dhammaatay Xaflad uu Xisbiga WADDANI ku qabsaday Magaalada Ceerigaabo, taas oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbigaasi.