Raysal Wasaarihii Is Casilay ee Ingiriiska oo Nin Saaxiib Dhow la ahaa uu Dejiyey Qasri laga Yaabay Iyo Xiisaha Ku Duugan Ka Guuristii Dhismaha Looga Taliyo UK SAWIRO
London,15,July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa shaaca laga qaaday in raysulwasaarihii hore ee Inigiriiska David Cameron ayaa Xamaantiisii ka Urursaday xafiiskiisa, ayaa wuxuu dagayaa guri lagu qiyaasay lacagtiisa £17m oo giniga Istarliinka oo ku yaalla deegaanka Holland Park.
Aqalkan oo ka kooban leh 7 qol oo hurdo, ayuu Cameron daganaan doonaa doonaa maalmaha soo socda,
David Cameron iyo Marwadiisa Samantha Cameron waxay kasoo guureen aqalka 10-aad oo xafiis iyo guriba u ahaa.
Aqalka ay dagayaan waxaa ku sharfay maal qabeen lagu magacaabo Sir Alan Parker, oo saaxiib dhow la ah Cameron.
Aqalkan wayn ee ku yaalla galbeedka London ayay maalmo joogi doonaan qoyska Cameron inta caruurtiisa Nancy 12, Elewen 10, iyo Florence oo Shan jir ah uu u soo xidhmayo iskuulka.
Hadhow waxaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu wareego gurigiisa oo ku yaalla Kensington.
Waxay kaloo guri ku leeyihiin qoyska Cameron Oxfordshire balse way ka fogtahay iskuullada ay caruurtiisu dhigtaan.
Hadaba David Cameron Waxyaabaha Xiisaha leh ee Ku Duugan ka Bixista aqalkii Looga arrimiyo Ingiriiska Kadib markuu u meel mari waayey barnaamijkii uu watey ee ahaa yaan Yurub laga go’in.
Alaabtiisii karaatoon ayuu ku gurtey, wuxu soo kireystey gaadhi Xaajiya Khamsiin u eeg oo alaabta loogu raro.
Isagaa xammaaliinta la gurey alaabta. Magaalada London wuxu ku leeyahay hal guri oo reer kale ayaa kiro uugaga jira. Markaa guri kiro ah ayuu u guurey.
Maadaama aaney guriga cusub qado kaga horeynin oo aaney jaariyadi u joogin, isaga iyo caruurtiisii makhaayad magaalada ah ayey u qado doonteen. Madaxweyne Carab ah amma Afrikaan ihi ma fahmi karo sheekadan.