|

SAWIRRO: Munaasibad Lagu Soo Bandhigaayay Naqshadda Waddada Madaarka Oo Xalay Magaalada Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa,14,7,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagu soo bandhigaayay qaabka ay noqon doonto waddada wayn ee madaarka ka timaada ee magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Hotel Sky ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa kasoo qayb-galay aqoonyahanno, culimo aw-diin, salaadiin, wax-garad iyo xubno ka tirsan guddida Sahan-barwaaqo.

Ugu horreyn waxa kulankaasi daah-furay guddoomiye ku xigeenka labaad ee guddida Sahan-Barwaaqo mudane Axmed Maxamed Xuseen [Axmed-Guudcadde], isagoona kulankaasi kusoo dhaweeyay xubnihii kala duwanaa ee kasoo qayb-galay.

Intaasi kadib waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka socday dowladda Hoose ee caasimadda Hargeysa kuwaasi oo iyagu halkaasi kusoo bandhigaayay qaabka uu noqon doono dhismaha wadada wayn ee madaarka caasimadda ka timaada.

Xubnaha dowladda hoose ee Hargeysa ka socday ee halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in waddada madaarka ay dhameystiri doonnaan inta ka hadhay sannadkan aynu ku jirno ee 2016-ka.

Khadar Yuusuf Cali oo ah agaasimaha waaxda bilicda ee dowladda hoose ee Hargeysa ayaa sheegay in dowaldda hoose ay ka go’antahay in ay dhameystirto waddadani oo in muddo ah dayacnayd isla markaana ay hadda dowladda hoose usoo jeedsatay dayactirta waddadani.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Yaasiin Jaamac Maxamed [Calase] oo ka mid ah guddida Sahan-Barwaaqo isagoona sheegay in ay soo dhaweynayaa dhismaha waddadani isla markaana ay dowladda kala shaqaynayaan sidii ay waddadaasi ku hirgali lahayd.

Waxa isaguna Halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo masuuliyiintii dowladda hoose ka socotay usoo jeediyay talooyin kala duwan oo ku saabsan sidii ay waddadaasi u hirgalilahayd, isagoona sidoo kale masuuliyiinta ka codsaday in kor loo qaado isticmaalka afsoomaaliga ee boodhadhka waddooyinka hareerahooda.

Prof.Ciise ayaa isna ka mid ahaa aqoonyahankii halkaasi ka hadlay, isagoona soo dhaweeyay dhismaha waddadani oo uu sheegay in ay faa’ido wayn ugu jirto guud ahaan qaranka.

Dhanka kale, intii uu kulankaasi socday waxa lagu soo bandhigay Maapka ama nashqadda wadadani iyadoo Engineerkii wadadaasi qaabkeeda soo bandhigaayay uu sheegay in ay ku baxayso ugu badnaan lacag dhan 2Milyan oo dollar.

Ugu danbeyntii, waxa halkaasi su’aalo kala duwan lagu wadyiiyay masuuliyiintii dowladda hoose ka socotay ee kulankaasi kasoo qayb-gashay, iyadoona uu kulankaasi uu soo gunaanaday guddoomiye ku xigeenka guddida Sahan-Barwaaqo Axmed Guud-cadde.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan oo markii hore uu qorshuhu ahaa in uu kasoo qayb-galo maayarka caasimadda Hargeysa ayaan kasoo qayb-galin hawlo shaqo oo kale oo uu ku mashquulay awgeed.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Hadalladii Munaasibaddaasi laga jeediyay

100_7777

100_7780100_7785100_7790100_7791100_7792100_7794100_7803100_7804100_7805100_7812100_7813100_7817

100_7779100_7777100_7769100_7767100_7758

Comments are closed