|

Dhismaha Dimuquraadiyada Somaliland Ma anfacayso in Hantida Qaranka uu Xisbi Kasta oo Talada Qabta Ku Tagri Falo Xiliga Ololaha Faalada Qurbejoog

Ceerigaabo 14.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shalay Safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenka,  waxaa Weftigiisa  ku wehelinaya Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Masuuliyiin kale oo ka mida Xisbiga Kulmiye.

Waxaana la filayaa inuu Sadexda cisho ee Fooda inagu soo haya uu ku Biiro Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharraxa Madaxwayne ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi.

Safarka Madaxwayne ku xigeenka iyo Weftigiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Ceerigaabo ku suganyihiin Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sidoo Kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Madi aan la Labayn ku ah Booqashada Gobolka Sanaag Taas oo loo Sibir Saarayo Kala Dhantaalnaanta Xisbigaasi ka Jirta.

Wufuudda Sadexda dhinac ayaa gobolka Sanaag u tagay wacyigalinta Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo maalinta Sabtida  oo ku beegan 15 bisha July  ka bilaabmaysa Gobolka Sanaag.

Sida ay Dhigayaan Xeerarka doorashooyinka iyo Hab raacyada ay Xisbiyadu ku Heshiiyeen Waa in laga dhawrsoonaado in Hantida Qaranka ee la Wada leeyahay uu Xisbi/ama Xisbiyo u adeegsadaan danahooda gaarka ah.

Mar kasta oo Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Safar noocan ah galo Waxaa Ku Tagri falaan hantida dadka ka wada dhaxaysa Sida Gaadiidka Dawlada ee GT, oo Xubnaha Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta Xukuumadu ku Safraan iyagoo Sidoo kalena Isticimaala Shiidaalka Dawlada,Waxaa kale oo Meesha ka baxay Gudidii loo Sameeyay inay Xeer beegti ka noqdaan adeegsiga Cid gaar ah ee Hantida Qaranka.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa inkasta oo uu ka Mid yahay Hogaamiyeyaasha Sadexda Dhardhaar ee Dhismaha qaranka waxa uu Safarada Xisbigiisa u adeegsadaa Gaadhi uu Khaas u Leeyahay isagoo ka taga Gaadhiga Ku Qoran Lambarka dawlada ee Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyadoo dad badani Talaabadan u arkaan inuu iskaga baraxayo in lagu eedeeyo inuu ku tagri falo hantida la wada leeyahay.

Xisbiga Kulmiye Xiligii uu ahaa Mucaaridka waxa uu Dawladii Rayaale ku eedayn Jiray inay hantidii qaranka Sida Gaadiidka Dawlada,Warbaahinta Dawlada iyo Goobaha Fagaareyaasha ah ugu ololayn Jirtay Xisbigeedii Udub ee Burburay.

Waxaa la Filayay in Xisbiga Kulmiye Waayo aragnimadii uu ka Kasbaday Mucaaridadii dheerayd ee uu soo galay inuu ka dhigan doono duruus uu ku Camal Falo,Hasa yeeshee Taasi Meesha Maanta kuma Jirto Waxayna u Muuqataa La Jiifiyaana Bannaan la Joojiyaana Bannaan.

Comments are closed