|

Komiishanka Doorashada Waxaa Laga Rabaa Inay Go’aan Adag ka Qaataan Xisbiyada Ololaha Taageero doon u Bedelay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Si ay u Hantaan Kalsoonida Tartamayaasha Ila Dhugo Dhawaqyo Is Burinaya DAAWO

Hargaysa 14.July 2016 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Sadexda Xisbi ee Dalka ka Jira ayaa hore ugu Heshiiyey inaan Hawl galka Qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee dalka ka socda loo rogin Olole ay Xisbiyadu Taageero ku weydiisanayaan Bulshada isla markaana waxaa laga mamnuucay Shacaa’ir kasta oo Muujinaya Olole Siyaasadeed waxaana la abuuray Gudida Anshaxa hab raaca diiwaangelinta oo Xisbiyada ku Kormeeraya sida ay u dhaqan geliyaan Heshiiskan.
Gudida Ilaalinta Anshaxa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka S/land ayaa Asxaabta Qaranka uga digay inaanay Olole Siyaasadeed uga faa’iidaysan Hawlgalka Qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Inkasta oo Gudidani Digniintaas bixiyeen hadana Ma Jirto inay Ficil u rogaan oo anshax mariyaan Labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye,Taas oo Hadii ay Sii Socoto Wiiqi karta Kalsoonidii lagu qabay Komiishanka Maamuli doona Labada doorasho ee Isku Sidkan amase Lamaan ee Madaxtooyada iyo Wakiiladda.
Waxaa Xaqiiq ah in Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani Wax ka duwan Heshiiskii Sadexda Xisbi iyo Komiishanku kala saxeexdeen inay ku talaabsadeen Waxaana Cadayn u ah Muuqaaladan oo qayb yar ka ah Olole-hooda.






Geesta kale Xisbiga Ucid ee Khilaafku ka dhex aloosan yahay ayaa ah ka Keliya ee Mar walba ka qaylinayay in Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Ucid ay dhalan rogeen Wacyigelintii Bulshada ee Qaadashada Kaadhka Codbixinta Taas Badalkeeda Olole Taageero doon u badaleen Isla markaana aanay Jirin Cid ilaa haatan Talaabo ka qaaday.

Comments are closed