Booliska Kenya oo toogasho ku dilay 2 dhallinyaro Soomaali ah oo Ku noolaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
Nairobi 14.July 2016 (SDN/QJ):- Xaafadda Islii ee magalada Nairobi waxaa xalay toogasho lagu dilay laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay kamid ahaayeen kooxo burcad ah oo lagu magacaabo Super Power oo ka hawl gala xaafaddaasi.
Ciidanka Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in labadaasi dhallinyarada ah ay in badan ku raad joogeen ayna ahaayeen kooxo dadka aad ugu dhibi jiray xaafadda Soomaalida ee Islii.
Dhanka kale Booliska ayaa sheegay in inta aan la dilin dhallinyaradan ay dhac iyo dhawacba u gaysteen dad Soomaaliyeed oo masaajid kasoo baxayay, oo haatanna lagu dabiibayo Nairobi.
Super Power waa kooxo dhallinyaro ah oo u badan Soomaali oo ku hubaysan bastoolado iyo tooreeyo, dadkana ka baada mobillada iyo qalabka kale ee ay wataan.
Super Power waxay kaloo gaystaan dilal iyo dhaawacyo halis ah. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara in dhallinyarada la dilay ay burcad ahaayeen.