Arday Muslim ah oo diiday inuu Gacanta ku salaamo Macallimaddiisa oo mudaaharaad iyo cadho ka dhalatay
Hamburg 14.July 2016 (SDN/QJ):- Macallimiin wax ka dhiga iskuul ku yaalla Jarmalka ayaa muddaaharaad dhigay kadib markii arday Muslim ah uu diiday inuu gacanta ku salaamo haweenay macallimad ah.
Carada macallimiinta ayaa timid xilli ay dhacaysay xaflad qalin jabin ah oo wiilkaasi ardayga ah ka qayb galay.
Macallimiinta ayaa arintaasi sharaf dil u arkay, hayeeshee wiilku wuxuu ku dooday inaysan diintiisu u bannaynayn inuu gacanta ku salaamo haweenka.
5 macallin ayaa isaga baxay iskuulka Kurt-Tucholsky ee ku yaalla magaalada Hamburg, waxana ay dalbadeen in ardayga iskuulka laga cayriyo, hayeeshee waxaa taas diidday maamulihii iskulkaasi.
Andrea Ludtke oo madax u ahayd macallimiinta iyo todobo macallin oo kalana waxay diideen inay xaflad kale ka qayb galaan.
Wiilka aya mar danbe ku dooday ma rabin inaan cid dhib u gaysto laakiin sheekadan waa mid diineed oo aniga iga wayn.
Maamulaha iskuulkana waxay sheegtay in sheekadan aysan shuqul ku lahayn arimo xag jirnimo.
Arimahan aad ayay ugu soo badanayaan Yurub, dhawaanna waxaa diiday laba wiil oo Muslimiin kunool Switzerland inay gacan qadaan macallimaddooda, taasoo buuq badan dhalisay.