|

“Komiishanka Waxaas dhacaya ka aamusan Iyo Gudida Anshaxa ee aanu Samaynay Sidee lagu aaminayaa Waa in la kala Diraa,Labada Xisbi ee Kale Olole ayay Sameeyeen” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Ceerigaabo 14.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalada Ceerigaabo lagu soo dhaweeyay Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo u tagay Gobolkaas Sidii ay ugala qayb gali lahaayeen daahfurka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani inay Jebiyeen Heshiiskii Anshaxa Diiwaangelinta ee Sadexda Xisbi Kala Saxeexdeen,Waxaanu dhanka Kale Kalsooni daro ka Muujiyey Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Gudida Anshaxa Diiwaangelinta oo uu ku Sifeeyay Kuwo Shaqadoodii ka soo Bixi waayay isagoo ku Taliyey in la Kala Diro.

Comments are closed