|

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Goob Fagaare Ah Kala Hadlay Boqolaal Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Ceerigaabo+SAWIRO

Ceerigaabo 13.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay gobalka Sanaag, ayaa khudbad  dhincyo badan taabanaysa u jeediyey boqolaal ka mid ah xoogaga taageerayaasha isbedel doonka ah ee xisbigaasi ee magaalada Ceerigaabo .

Khudbaddan oo uu guddoomiyahu ka jeediyey barxadda Khayriyadda ee magaaladdaasi, ayaa waxa ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, Siyaasiyiin, xildhibbaano, madaxdhaqameed, taageerayaasha xisbiga iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaaladdaasi, waxaana ugu horreyn guddoomiyaha oo ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka ah ee u gaar ka ah shacabka magaalada Ceerigaabo, iyada oo socod lug ah uu ku yimi barxadda looggu tallo-galay in khudbadda guddoomiyaha.

Qaar ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka ah ee ku  dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa cod dheer ku muujiyey in ay si weyn u taageersan yihiin xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay u heelan yihiin isbedel dhabba oo ka qabsooma guud ahaan dalka, waxaana ay tilmaan ka bixiyeen ay hore ugu hodmoon xisbiga Kulmiye balse ay maanta diyaar u yihiin in ay iska tuuraan heeryaddii xisbiga Kulmiye.

Xildhibbaan Rayte, Siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur, Hinda Jaamac Gaani, Xildhibbaan Maxamed Saalax, Cabdillaahi Daamur, Jamaal Xaamud, siyaasi Karash, boqor Faysal, Suldaan Daakir iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, ku waasi oo dhammaantood ba ku dheeraaday ahmiyadda ballaadhan ee xisbiga WADDANI uu siinaayo guud ahaan gobalka Sanaag, iyaga oo tilmaamay in xisbiga WADDANI uu diyaar u yahay in uu dib u dhiso guud ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, waxna ka qabto baahiyaha kala duwan ee gobalka ka jira.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinaayo shacabka gobalka Sanaag siddii ballaadhneyd ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu tilmaamay in soo dhaweyntii shacabka gobalka Sanaag ay ka turjumaysay rabitaanka shacbi ee gobalka Sanaag.

Shacabka degmada Ceerigaabo aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaana aan uga mahad-naqayaa soo dhaweynta aan hore loo arag ee aad soo dhaweyseen weftigii SAMA-WADE  Sanaag, walaaleyaal dadka orda midba rikoodh buu dhigaa, deedna marka uu mid dhigo rikoodh cusub, waxa la yidhaahdaa hebel rikoodhkii buu jabiyey. Marka Sanaag soo dhaweynahii Somaliland oo dhan bay jabisay rikoodhkoodii, aad iyo aad baanu idiin ka mahadnaqeynaa, waxaana aan idin sheegayaa in aanay taasi ahayn soo dhaweyn, waxa ay ahayd dareenka shacabka oo aad ka turjunteen halka aad taagan tihiin, waxa aad muujiseen in gobalka aad diyaar u tihiin in isbedel ka dhaco Somaliland, isbedel nabaddeed, isbedel nololeed iyo isbedel dimuqraadiyaddeed na, aad iyo aad baana aan idiin ku mahad naqayaa.

IMG_1766 IMG_1768 IMG_1769 IMG_1771 IMG_1774 IMG_1776 IMG_1777 IMG_1778 IMG_1779 IMG_1781 IMG_1782 IMG_1784 IMG_1785 IMG_1786 IMG_1787 IMG_1789 IMG_1790 IMG_1791 IMG_1794 IMG_1796 IMG_1797 IMG_1798 IMG_1799 IMG_1800 IMG_1802 IMG_1803 IMG_1805 IMG_1806 IMG_1810 IMG_1811 IMG_1815 IMG_1816 IMG_1817 IMG_1818 IMG_1819 IMG_1821 IMG_1824 IMG_1826 IMG_1830 IMG_1831 IMG_1832 IMG_1833 IMG_1836 IMG_1837 IMG_1842 IMG_1843 IMG_1850 IMG_1852 IMG_1853 IMG_1861 IMG_1862 IMG_1864 IMG_1867 IMG_1871 IMG_1875 IMG_1878 IMG_1881 IMG_1883 IMG_1887 IMG_1890 IMG_1892 IMG_1893 IMG_1898 IMG_1902 IMG_1903 IMG_1904

Comments are closed