Dhageysiga Dacwadda Sheekh Aadan-Sunne Oo Maanta Ka Bilaabmatay Maxkmadda Hargeysa
Hargeysa,13,7,2016 (QJ/SDN) – Maxakamada gobolka Maroodi-Jeex ee Hargeysa ayaa saaka si toosa u bilowday dhageysiga dacwada Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame [Aadan-Sune], oo ka mida culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa.
Dacwada Sheekh Aadan Sunne ayaa imaanaysa xilli uu bilihii ugu danbeeyay ku xidhnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.
Waxaana sheekha soo xidhay oo u soo dhaadhiciyay xabsiga ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada ee RRU’da, oo ugu dhacay gurigiisa ka dib markii sida la sheegay uu khudbad ka jeediyay masaajid uu khadiib ka yahay.
Dhageysiga dacwadda sheekha ayaa bilaabmatay sagaalkii subaxnimo illaa duhurnimadii maanta ayaa waxa aad loo adkeeyay ammaanka maxkamadda.
Mana jiro wax wara oo ka soo baxay sababta loo heysto Sheekh Aadan Sunne, ee uu u xidhan yahay.