|

Saxafiyad Caan oo BBC-da ka tirsanan jirtay oo is dishay, markii ay diyaaraddeedii ka tagtay (Warbixin)

Istanbul 13.July 2016 (SDN/QJ):-Saxafiyad caan ka ahayd BBC isla markaana dhanka dagaallada kasoo warami jirtay, ayaa is dishay, waxaana la helay ayadoo is ceejisay oo ku jirta Musqul ku taalla garoonka diyaaradaha ee Ataturk ee Istanbul, kadib markii ay wayday ama ay dhaaftay diyaarad ay raaci lahayd

 

8-Jacky-Sutton-1Haweenaydan oo lagu magacaabo  Jacqueline Sutton, oo 50 jir ahayd ayaa maydkeeda lahelay bishii October ee sanadkii hore laakiin lama ogayn sababta ay isku dishay, waxana diyaaraddeedu u socotay Ciraaq.

 

Sutton waay ka dagtay caasimadda Turkiga ayaadoo ka timid garoonka caalamiga ah ee Heathrow, waxayna u socotay magaalada Irbil ee Iraq, sida ay xaqiijisay maxakmad.

 

Saxafiyadan oo ahayd barnaamij soo saare BBC-da ka tirsanan jiray waxay kaloo ahayd ahayd agaasimaha hay’ad tabaruc ah oo dagaallada iyo nabadda soo tabisa.

 

Maxamadda ayaa sii faah faahisay sida wax u dheceen, waxayna sheegtay in Saxafiyaddan ruug caddaaga ah, ay khamro badan iska dharjisay kadib markii ay wayday diyaaraddeedii, ayadoo ku cataabaysa inaysan wax lacag ah haysan waxaa la arkay ayadoo xanaaqsan oo musqusha ku cararaysa.

 

Gabar ay walaalo yihiin Ms. Sutton oo lagu magacaabo Jenny ayaa tiri in geerida walaasheed ay soo da dajisay walaac iyo isla hadal badan .

 

Waxay tiri ma aaminsani in walaashay ay qorshaynaysay inay is disho, ee waa wax markaas ku dhashay.

 

Waxay ku hawlanayd inta aysan dhiman uruurinta warbixinno ku aaddan sida Muslimiinta, shiicada, sunniga, kirishtaanka iyo Yuhuuddu u wada noolaayeen inta reer galbeedku soo fara galin.

 

Xigasho: Independent.co.uk

Comments are closed