|

Taariikh Kooban: Marxuum Cabaas Idiris(John Drysdale) oo Shalay Aas Qaran loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa DHAGAYSO

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Allaha u naxariistee waxaa Shalay Xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa lagu Aasay  Cabaas Idiris oo markii hore la odhan jiray John Drysdale.

 

CABAASMarxuumka waxaa aaskiisa ka qaybgalay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, xildhibaano ka socda baarlamaanka Somaliland, danjirrayaal iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Hargeysa.

 

Marxuum Cabaas Idiris, ayaa ahaa muwaadin Ingiriis, Isla markaana haysta Dhalshada Somaliland, waxaana uu ka mid ahaa askartii Ingiriisku 1943kii usoo diray Somaliland si uu uga ilaaliyaan Gumeystihii Talyaaniga, Marxuum Cabaas markii Somaliland xornimada ka qaadatay Gumeystihii ingiriiska waxaa uu goostay inuu ku noolaada dhulka Somalida islamarkaana uu la shaqeeyo siyaasiyiintii wakhtigaasi ay is barteen wakhtigii Gumeystaha.

1954 wuxuu noqday wakiilkii dawladda ingiriiska ee Jigjiga. Markii Soomaliya xoriyadda qaadatay 1960 wuxuu noqaday xoghayihii kowaad ee safaaradii ingiriiska ee Muqdisho, kadib wuu ka tegay oo wuxuu la taliye u noqday ra’iisal wasaarihii Soomaliya ee xilligaasi Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

1992 wuxuu noqday la-taliye hawgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNISOM, wuxuu sheegay inuu iskaga tegay oo ku qanci waayay siday wax u wadeen. Waxa uu John Sheegay oo kale inuu Somaliland ku soo laabtay 1991 kii markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga madaxbanaanida Somaliland Isla markaana uu ka qayb galay shirkii lagu qabtay Burco, markii shirkaasi dhamaadayna Waxa uu ku Laabtay Dalkiisii Waxaanu Qoray Sideed Buug oo ka waramaya taariikhda jiritaanka Somaliland, markii dambena Waxa uu Marxuunku ku soo laabtay Somaliland 1993 kii ilaa imikana sidii ayuu u Joogay, balse Sannadkii 1998 kii oo waxa uu la taliye u noqday Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaaal,Geeridii Madaxweyne Cigaal kadib ayuu Cabaas Idiris  oo hore loo odhan jiray John Drysdale Wuxuu go’aansaday inuu bilaabo hay’adan kala xadaynta beeraha, taas oo aan qalabkii lagu kala xadaynayey beerahana uu dalka Keenay, muddada hawshaa kala xadaynta beeraha aanu ku jirnay-na waxaanu Survey garaynay beero Kumanaan Kor u dhaafay, oo ku kala yaala gobolada Awdal,Gebilay,Madoori jeex, Iyo Saaxil.

Sannadkii 2009kii ayuu Marxuunku Si rasmi ah u qaatay Diinta Islaamka Waxaanu Sheegay maalmihii hore ee aanu muslimin in jidhkiisu wasakh ahaa, balse imika oo uu Islaam yahay in Jidhkiisu daahir yahay oo nadiif yahay Isla markaana uu dareemo Naxariis, Quraanka Kariimka ah iyo Luuqada Carabigana uu barto Isla markaana Shanta Salaadood uu si Xidhiidh ah u Tukado,waxaa uu intaasi kadib aad ugu xidhnaa goobaha lagu barto diinta islaamka.

Marxuumku waxaa uu muddo ka badan labaatan sano ku noolaa Somaliland kaasi oo ahaa khabiir dhinaca beeraha, inta badana waxaa uu ahaa khabiir kala xadeeyay Soohdimaha beeraha Somaliland muddadii ay jirtay, waxaa uu bugaag ka qoray taariikhda Soomaalida, waxaana uu caan ku noqday Buuga la yidhaahdo “What ever happened to Somalia”.

Marxuumka waxaa uu xaqii u yimid 10 Jully 2016 oo ku beegnayd maalintii Axada.

Comments are closed