Waxgarad Woqooyiga Hargeysa Ka Soo Jeedda Oo Ka Digay In diiwaangelin Laga Sameeyo Goobo xayirnaa DAAWO
Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):-Qaar ka tirsan Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Waqooyiga Hargeysa, ayaa ka digay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde Sanaaduuq diiwaangelineed geeyo lix goobood oo ku yaalla deegaanka Waqooyiga Hargeysa oo Muran-beeleed muddo ka taagnaa.
Xubnahan Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha dega deegaannada lagu muransan yahay ee Waqooyiga Hargeysa afkooda ku hadlayey oo Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku dooday in deegaannadaas inta ay Somaliland jirtay-ba la isku khilaafsanaa lahaanshaha deegaan ahaantooda, isla markaana hore aan doorashooyin looga qaban, ka dib markii murannadaa dartood laga dhigay koobo ka caaggan doorashooyinka iyo diiwaangelinta, markii dhawr bilood ka hor laga bilaabay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland-na goobaha qaarkood Rag hubaysani weeraray oo ay sidaas kaga baaqsadeen lix goobood oo deegaannada Waqooyiga Hargeysa ah.
Inkasta oo aanay Guddiga doorashooyinka Qaranka, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Xukuumadda dhexe ee Somaliland, midkoodna si rasmi ah u shaacin Sanaaduuq ay Odayaasha hadlay sheegeen in la geynayo lix goobood oo dhulka lagu muransan yahay ka tirsan, haddana waxay ku doodeen Odayaashani inay dadkii ay Odayaasha u ahaayeen ee iska diiwaangelin lahaa lixdaas goobood ay ka diiwaangeliyeen degmooyin ka tirsan gobollada Saaxil iyo Awdal oo ay bishii saddexaad iyo afraad ka qabsoontay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, sidaas awgeedna aanay jirin dad halkaas deggan oo aan la diiwaangelin, ujeeddada dowladdu wakhtigan ka leedahay inay Sanaadduuq u qaaddo goobahaasna ay tahay mid iska hor-keenaysa Beelaha dhulkaas ku muransan, wixii ka dhacana ay dowladda Somaliland Masuul ka noqon doonto.
“Degaankaygii iyo dadkaygii waxaan ku kala daray gobolka Awdal diiwaangelintii ka socotay iyo Tiro-koobkii gobolka Awdal ka socday. Waa dadkaannu biyaha wada cabbaynay ee wada daaqaynay. Haddaba, Mudane Wasiir Waran-cadde anoo ku salaamaya, waxaan doonayaa inaan halkan kaaga caddeeyo, dhegahaaga inay galaanna ay tahay inaanay lixda Sanduuq ee aad qaadayso dadkaygii midna iska diiwaan-gelinaynin oo aan wada diiwaan-gashaday.” Sidaa waxa uu yidhi Axmed Ibraahin Madar oo sheegay inuu ka mid yahay Odayaasha dhulkaas deggan.
Waxaanu Axmed Ibraahin Madar intaas ku sii daray; “Haddii mar Hargeysa laga ururinayo dadkii mucaaradka ku ahaa diiwaangelinta ee iska diiwaangelin waayey Hargeysa ee aynu la baryeynay, haddii ay tahay in la geeyo oo Xeebta lagu shubo Shidaalba yuu ku bixin ee Lixda Sanduuq-ba Hargeysa dhig oo lixda goobood-ba awood baad u leedahaye Hargeysa-ba kaga diiwaangeli.”
Oday Cismaan Cilmi Rooble oo arrinkan ka hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumadda la socodsiiyeen go’aanka ay gobollada Awdal iyo Saaxil dadka deegaankaas kaga diiwaangeliyeen, waxaanu yidhi; “Go’aankii aannu gaadhnay wuxu ahaa inaannu ummadda dhinac u raacno oo dadka la oggolyahay iyo gobollada la oggolyahay aannu ku biirno. Waannu qaybinnay oo qayb waxaannu ku darnay dadka Saaxil, qaybna Awdal, sidaasaannu dadkii ku diiwaangelinnay, go’aankeediina waannu idiin keennayoo qoraalkii baannu idiin keennay oo dawladda aannu gacanta ka soo gelinnay. Way ka dambaysay dadkii kuyuuga iyagoo ku jira lagu weeraray, maanta haddii la yidhaahdo dad baa Hargeysa laga qaadayaa, waxa weeye Ninkii shalay aan dilay anna ha I dilo ayuu macneheedu u dhigan yahay, taasna dowladdu hadday raalli kaga tahay iyadaa ka masuul ah wixii halkaas ka dhaca.”
Chief Caaqil Xuseen Jaamac Seed oo isaguna ka mid ahaa Xubnaha Dhaqanka Dhulka lagu muransan yahay ka hadlay, waxa uu ydihi; “25 sannadood intii dalkan la soo galay, Raggii xuquuqdii dadka iyo dalka lumiyey ee ha xidhnaado yidhi deegaankaasi, maantana Sanaadduuq baannu geynaynaa markii la is-diiwaangeliyey ee la iska diiwaangeliyey Lughaya (Awdal) iyo Saaxil, immikaannu Sanaadduuq geynaynaa sax maaha, dowladdu wixii halkaa ka dhaca iyadaa ka masuul ah.”