|

Malala Yousafzai oo Booqatay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

Dhadhaab,12,7,2016 (QJ/SDN) – Booqashada Gabadhan heysata abaal marinta  biladda Nabdda Aduunka  una dhalatay waddanka Pakistan ee  Malala Yusuf Zai ay ku tagtay xeryaha Qaxootiga Adduunka ugu weyn ee Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa timi kadib markii Hablo Xeryahaasi waxku barta oo Soomaali u badan ay xidhiidh dhinaca barasha bulshada ah  la sameeyeen iyagoo ka codsaday in ay timaado xeryha si ay xaaladdooda wax uga ogaato ismamarkaana ay uga taageerto dhinacyada waxbarashada maadaama oo Malaala u ololayso waxbarshada dhalinyarada gaar ahaana Gadhbaha.

Malala ayaa booqashadeedan ku soo beegtay maalinta dabbaaldagga dhalashadeeda 19aad. Oo  sannadkan ay doonayso in ay ku dhex xusto gudaha Xeryaha Dhadhaab.

Waxa u qorshaysan Malaala Yuusuf in ay Kulamo la qaadato Kooxa Gabdhaha wax ku barta Xeryaha Dhadhaab iyo weliba kuwa aanay u suuragelin in ay tagaan Dugsiyada.

Socdaalka ay Malaala Ku Timi Xeryaha Dhadhaab ayaa imanaya iyadoo dawladda Kenya ay ku dhaaqaday in ay Xidhayso Xeryahaasi sannadka Danbe  waxana ku nool xeryahaasi  in ka badan 300,000  oo Qof   kuwaas oo Soomaali u badan. Kana soo qaxay colaaadda Dabada dheeraatay ee Soomaaliya ka taagan muddada ka badan dhawr iyo labaatanka sanno.

Comments are closed