Shirkii Shalay, Dooddii KULMIYE, Dabuubtii WADDANI, Duurxulkii UCID iyo Heshiiskii Cirro, Faysal & Muuse
Hargaysa 12.July 2016 (SDN/QJ):- Sadexda xisbi qaran oo ay dhex joogeen xubno metelayay urrurada loogu yeedho bulshada rayidka ah ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Akadamiga Nabadda Somaliland ee Hargeysa kaga wada hadlay arrinta saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka oo uu weli u dabran yahay xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Wakiiladda oo doorashadiisu mar la mudaysan tahay ta madaxtooyada.
Siday tibaaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo u dhuun dalloolay madashaa, waxa kulankaa sadexad xisbi uga qayb galay min shan xubnood, oo ay kala hogaaminayeen madaxda sare ee sadexda xisbi oo kala ahaa, isla markaana waxa xisbiga Kulmiye xubnihii ka joogay ka mid ahaa, Gudoomiye Muuse Biixi, Gudoomiye xigeenka Maxamed Kaahin, Xoghayaha guud Xasan Siciid iyo laba xubnood oo kale, halka xisbiga Ucid ay ka fadhiyeen madashaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xubno kale, xisbiga Waddanina ay ka fadhiyeen, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Xoghayaha guud Uurcade iyo sadex xubnood oo kale oo ka mid ah masuuliyiinta xisbigaa.
Xogahaasi waxay tibaaxeen in ajandaha shirku ahaa, in laga wada hadlo saamiga qaybsiga kuraasta golaha wakiiladda ee saluugu ka taagan yahay, si loo gaadho xal suuragal ka dhigi kara dhicitaanka doorashada wakiiladda xiligii loogu tala galay.
Hase yeeshee waxay xogahaasi tilmaameen in hoos loogu degin qalistii qodobkaa, balse ay markii hore kulankaa hadhaysay cabashada iyo saluuga ay beelaha darafyadu ka qabaan saami qaybsiga kuraasta wakiiladda, isla markaana xubno ergooyinkaa xisbiyadda ka mid ahaa oo ka soo jeeda beelaha darafyada ayaa taataabtay qarrada saluuga ay deegaanaddoodu ka qabaan saami qaybsiga haatan lagu fadhiyo golaha jirra, kaasoo ay ku tilmaameen mid xaqdaro ah oo ay k used bursadeen beelaha deegaanadda dhexe ee Somaliland degaa. Illahaasi waxay intaa ku dareen in ergooyinka beelaha darafyada ee kulankaa ka qayb galay ee sadexda xisbi ay aragti ahaan isku raacsanaayeen dooddaa, isla markaana ay tilmaameen in wax kastaba ay isku koobtay beesha dhexe.
Dooddaa ka sokow xoguhu waxay intaa ku dareen, in xubnaha xisbiga Kulmiye qaarkood arrimahaa dartood ay soo jeediyeen inay haboon tahay in la kala qaado labada doorasho ee wakiiladda iyo madaxtooyada, si waqti fiican oo lagu derso loogu helo mawduucan, arragtidaa oo ay xoguhu u nisbeeyeen aragtida . Hase yeeshee siday xogahaasi iftiimiyeen, aragtidaa waxa ka hor yimi dhinacyada kale oo ku dooday in ajandaha lagu ekaado, halkaana uu xisbiga Ucid ka soo jeediyay talo astaynteedu ku arooraysay in lagu daadego talo ka dhiibashada qaabka saami qaybsiga loo maarayn karo iyo duruufaha la xidhiidha. Warku wuxuu intaa ku daray in xisbiga Waddanina uu ku raacay taa oo la sheegay in ajanduhu ku salaysnaa.
Geesta kale qoladda Waddani ayaa xoguhu tibaaxeen in ay dhankooda ay kaga hadal celiyeen doodda Kulmiye in aan la kala qaadi Karin labada doorasho oo xukun maxkamadeed lagu mudeeyay, iyadoo illuhu intaa ku dareen in dhanka Ucidna xubin ka mid ahi uu ku doodday in arrintan maaraynteeda ay leedahay madaxtooyadu, sabab loogu soo riixaana aanay jirin. Inkastoo waqti lays hor fadhiyay, lana wada hadlayay, haddana waxay xoguhu intaa ku dareen, hogaamiyayaasha sadexda xisbi iyo xubnaha wehelinayay inay gaadheen heshiis, kaasoo ah inay yeeshaan shir kale 23. July. 2016.
Dhanka kale ka wadahadalkan mawduucan ka sokow waxa isa soo taraya walaac laga qabo in mar kale ay doorashadu dib u dhacdo oo la sameeyo muddo kordhin kale, isla markaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa welwelka ay arrintaa ka qabaan muujiyay, kana digay in laysku dayo in mar kale dib loo rido qabsoomida doorashada. Halka Xil. Xasan Cawaale Caynaan oo golaha wakiiladda ka tirsan oo ka soo jeeda dhanka muxaafidku uu kaga dhawaaqay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo Madaxweynahana loo kordhiyo muddo hor leh marka mudda kordhinta uu hadda ku fadhiyaa dhamaato.
Xigasho Wargeyska Ogaal