Ururka Suxufiyiinta Punt land ee MAP oo Dacwad ku Oogay Wasiirka Warfaafinta Punt land DAAWO
Garowe 12.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre ayaa ka dhawaajiyay in ay MAP doonayso inay dacwad kusoo oogto wasiirka warfaafinta Puntland, maadaama uu baal maray dastuurka Puntland.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii wasiirku uu warqad ku amray in ay is diwaan galiyaan saxaafadda Puntland.
Faysal wuxuu sheegay in arintan ay niyad jab ku tahay saxaafad u diyaar garoobaya inay tabiyaan doorashooyinka dhawaan kusoo fool leh Somaaliya oo qarkood ka dhacayaan Puntland
Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri , saxaafaddu waxay waligeed difaacaysay Puntland, waxay soo bandhigaysay wanaaggeeda ee ma habboona in sida loola dhaqmo.
Faysal ayaa sheegay inay qorshaynayaan inay beri maxkamadda tagaan oo dacwad ka furan si ay dacwad ugu soo oogaan Soocade oo uu ku tilmaamay wasiir sharcigii baalmaray.
Ugu danbayn wuxuu baaq u diray madaxwaynaha iyo madaxda kale ee Puntland inay tallaabo ka qaadaan Soocadde.