Guddida Guud Ee SAHAN-BARWAAQO Oo War-Murtiyeed Soo Saartay
Hargeysa,11,7,2016 (QJ/SDN) – War qoraal ah oo ay goordhaweyd soo saartay guddida guud ee Sahan-Barwaaqo ayaa lagu sheegay in wixii wada-hadal ah ama shirar ah ee beesha Daa’uud Ismaaciil [Ciidagale] la yeelanayso dhigeeda ay masuul ka yihiin guddidaasi. Sida uu dhigaayo xeerka beeshaasi.
Warkaasi qoraalka ah oo uu ku saxeexnaa afhayeenka guddidaas Chief Caaqil Maxamed Cabdillaahi Maxamed ayaa waxa lagu yidhi;
“Kaddib shir maanta ay iskugu timid guddida fulinta ee Sahan-Barwaaqo, shirkaasi oo ku taariikhaysnaa [11-7-2016], dood dheer iyo falanqayn waxaanu isla qaadanay;
Wixii shirar ah ama teegeero ah in guddida guud ee Sahan-Barwaaqo qaban karto, sida xeerka guud ee beeshu dhigaayo.
Haddaba, guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay soojeedinaysaa in la raaco xeerka guud ee beesha Daa’uud Ismaaciil [Ciidagale] kaasi oo ku taariikhaysnaa 11-1-2016.”
Si kastaba ha ahaatee, warkan qoraalka ah ee ay soo saartay Sahan-Barwaaqo ayaa kusoo beegmaya xilli shalay uu Suldaanka Guud Ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu kasoo horjeestay shir la sheegay in uu dhex-maray beelaha kala dega Koonfurta Hargeysa iyo Galbeedka Burco.