Dawlada Hoose oo Ollole Dhir beerisa ka bilowday Magaalada Hargeysa iyo Go’aamo lagu soo Rogey dadka daryeeli waaya Dhirtaasi
Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa si rasmiya gudaha magaalada Hargeysa uga bilowday Ollole Dhir beeris ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, Maayirka Caasimada, Xoghayaha Fulinta dawlada hoose iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada ayaa geedo ku beeray Xarunta Wasaarada boosaha Isgaadhsiinta horteeda , halka ay geedo kalena u qaybiyeen qaar kamida meherada Ganacsiga ee kusoo jeeda waddahada Hormarta madaxtooyada Somaliland.
Xoghayaha Fulinta dawlada Hoose Axmed Darajo, ayaa sheegay in dawlada hoose ee Hargeysa ay bilowday sidii kor loogu qaadi lahaa Bilicda caasimada islamarkaana ay dhirbeeristani tahay talaabooyinkii ugu horeeyay ee la qaaday.
Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa go’aamo kusoo rogay bulshada ay maanta u qaybiyeen Geedaha waxaanu sheegay in haddii dhirtaasi la beeri waayo ay dawlada Hoose ee Hargeysa Ganaax saari Doonto Meheradahaasi.
“ Qof walba oo meherad leh waa inuu geed beertaa, in badan ayay gacmahayagu laabnayeen dib u laabnaan maayaan, ka loo beeray geedka iyo ka beertay geedka subax walba waala ganaaxi doonaa haddii la arko geedka oo aan la waraabin”ayuu yidhi maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo isagu bixiyay boqolka geed ee maanta lagu beerayay magaalada Hargeysa ayaa shacabka ugu hanjabay qofkii dhirtaasi daryeeli waaya in la xidhi doono Meharada iyo isagaba.
“Ninka uu soo ashkateeyo geedkaasi, kow ganaaxbaad mutaysanaysaa, waa lagu xidhayaa, marka dambena meherada uu ku horyaalo geedkaasi waa lagaa xidhi doonaa”ayuu yidhi Cali Warancade.