Dagaallo saaka dib ugu biloowday caasimadda Suudaanta Koonfureed
Jubba,10,7,2016 (QJ/SDN) – Dagaallo xooggan ayaa lagu soo waramayaa in ay dib uga qarxeen magaalada caasimadda u ah Suudaanta Koonfureed ee Jubba ayadoo dagaallada oo socday labadii maalmood ee ugu danbeeysay ay galaafteen nolosha in ka badan 100 qof.
Dagaalka dib uga biloowday Suudaanta Koonfureed ayaa lagu soo waramayaa in uu sii fidayo, ayadoo laga cabsi qabo in dalkaasi uu dib ugu laabto dagaalladii sokeeye ee uu kasoo baxay.
Dagaalladan ayaa u dhexeeya ciidamo daacad u ah Madaxweeyne Riek Machar iyo kuxigeenkii Salver Kiin, waxaana howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi uu xaqiijiyay in saaka uu dagaal dib uga biloowday magaaladaasi.
Qalalaasaha ka jira halkaas ayaa laga soo bilaabo Khamiistii ilaa maalintii sabtida waxaa ku dhintay 100 qof oo intooda badan ay ahaayeen askar ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamayay.
Rasaasta ay is weeydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya ayaa saaka laga maqlayaa dhanka koonfur galbeed ee magaalada Jubba, gaar ahaan nawaaxiga xerooyin ay halkaasi ku leeyihiin ciiidamada Militariga iyo weliba xarunta ay Qaramada Midoobay ku leedahay halkaasi.
Goobjooge ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in rasaas xooggan ay ka dhaceeyso xerooyinka Militariga ee ku yaal xaafadaha Gudele iyo Jebel, oo u dhow saldhigyada Militariga dalkaasi, halkaasoo ay ku xareeysanyihiin ciiidamo daacad u ah Madaxweeyne Riek Machar.
Dagaalladan dib uga qarxay Suudaanta Koonfureed ayaa kusoo beegmaya ayadoo isafahan-waa siyaasadeed uu ka dhex aloosnaa madaxweeynaha dalkaasi iyo ku xigeenkiisa