|

QM oo lacag Dhan 2 Million oo Dollar ugu deeqday dowladda Soomaaliya & Waxyaabaha lagu qaban doono

Nairobi 10.July 2016 (SDN/QJ):- War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah  loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

united nation2Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobe waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa la sheegay in qeybta Hore lagu maalgelin doono gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka Kale oo aysan shaacin magaciisa.

Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada u baahantahay in laga taageero dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Qaramada Midoobe ayaa sidoo kale sheegtay in lacagtaan ay si toos ah ugu soo dhacayso bankiga dhexe ee dowladda  Soomaaliya ay maamusho.

Comments are closed