|

Bulshada Somalida ee Minnesota oo Gacanta laga taagay: Waxay wada isticmaalan Hal gaari, Hal mobile, iyo Hal Bangi

Minnesota 08.July 2016 (SDN/QJ):-Soomaalida Maraykanka ee kunool gobolka Minnesota ayaa la sheegaa inay tahay bulsho isku dayata oo markiiba isku meel isku raacda isku waxna samaysa. Haddaba maqaal dheer oo uu diyaarisay warbaahinta Minnesota Post ayay ku sheegeen in Soomaalidu ay gadato hal gaari, hal mobile isla markaana adeegsato hal Bank.

minnpost-1Gaarigu waa Toyota Camry, Mobilkuna waa T-Mobile , Banigugna waa Wells Fargo.Saddexdas waxya noqdeen Sumadda reer Minnesota.

Markaad booqatid mid kamid ah dukaanada waawayn ee Soomaalida waa caadi inaad ku aragtid Toyota Camry oo si aan caadi ahayn ugu Park-garaysan dukaamada agtooda.

Abdirahman Abo, oo kamid bulshada Minnesota ayaa sheegay in Gaariga Toyota Camry uu yahay mid tayo badan leh, asaguna wuxu wataa mid model-kiisu yahay 2015, xataa kii hore ee uu iska baddalay wuxuu ahaa Toyota Camry.

minnpost-2“ Fiiri xaggaas waxaa yaalla Toyota, Camry, fiiri mid kale ayaa halkaas taalla , haddana fiiri kuwo badan ayaa halkaas yaalla “ ayuu yiri Abo oo tilmaamayay sida Soomaalidu gaarigaasi uga daba dhacday.

Isku xirnaanshaha Soomaalida ayaa la sheegay inay u sahasho inay Maraykan dhaqso u fahmaan.

Sababta Toyota Camry ay u isticmaalaan waa ayagoo markii ay dalka joogeen yaqaanay gaadiidka Toyota. Sababtay ku doorteenna waa Toyota oo Maraykan caan ka ah birteedana aad loo helo.

Dhanka kale waxay aad u wada wataan taleefonka T- Mobile , mar la waydiiyayna waxay sheegeen inay Youtube iyo Netflix ay si bilaash ah oo lacag la’aan ah u daawadaan.

minnpost-3U imoow dhanka Bangiyada waxay wada isticmaalaan Wells Fargo, waxaana keentay marka koowaad inuu qaybo badan ku leeyahay Minneapolis. Mid kamid ah qaybaha Fargo wuxuu ku yaallaa Franklin iyo waddada 26-aad ee Minneapolis, oo aan wax badan ka fogayn Seward Towers, oo ah xuddunta Soomaalida. Qayb kalana waxay ku taallaa meel u dhaxaysa waddooyinka Blaisdell iyo Nicollet oo wax yar looga socdo Karmel Square Mall.

Soomaalidu waa bulsho warka isgaarsiisa, hadalna ku caana maasha

Comments are closed