Siyaasi Axmed Saleebaan Dafle Iyo Xubno Ka Tirsan Jaaliyada Belgium ee Gobolka Sool oo ka hadlay Dirirtii ka dhacday Dharkeyn Geeyo DAAWO
Antwerp 06.July 2016 (SDN/QJ):- Shir ay Isugu Yimaadeen inta badan Jaaliyadda Degaanaada Gobolada Sool iyo Buuhoodle ee Ku dhaqan carriga Belgium gaar ahaan magaalada Antwerp ayay kaga hadleen Shaqaaqooyin Khasaare Nafeed Sababay oo ka dhacay Koonfurta Gobolla Sool.
Shirkan ayaa waxyaalaha lagu lafaguray waxaa ka mida ahaa dagaalada ka socda Koonfurta Sool.
Waxaa halkaa hadalo ka soo jeediyey Axmed Saleebaan Dafle, Guddoomiyaha jaaliyadda Belgium mudane Axmed Cawil Cabbaase & dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida haweenka, dhalinyarada iyo waxgaradka.