Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Shacabka DDSI Hambalyo U Diray Munaasibadda Ciidul-fitriga Awgeed
Jigjiga,5,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada farxada ciidul Fidriga hambalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa itoobiya gaar ahaan DDSI.
Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan, isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan in laga aqbalo dhamaan khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri iyo xasanaadna kala kulmiyo soonkii bishii barakaysneed ee soomanaayen.
Madaxwaynaha DDSi ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in maalinta ciida farxada la wadaago dadka danyarta lana caawiyo walaalaha muslimiinta ah qofkastana uu ka warhayo walaalaha muslimiinta dariskiisa.