“Xilal lakala badalo wax wayn kama qabanayso ammaanka Gaalkacyo” Xildhibaan Shaacuur
Gaalkacyo 05.July 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan C/kariim Xuseen Guure (Shaacuur) ayaa shaaca ka qaaday in is beddellada uu madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “ Gaas” ku samaynayo maamulka iyo talisyada ciidamada inaysan wax wayn ka badalayn ammaanka Gaalkacyo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dawladdu ay sidaan oo kale is beddello u samaysay, magaalada Gaalkacyona ay 3 bilood joogtay, xaaladdana ay wali halkeeda taagan tahay.
“ Inkastoo madaxwaynaha Puntland wado qorshe is beddel ma doonayo inaan ka hor dhoco oo waa laga yaabaa in is beddel kale u harsan yahay, laakiin kala baddalka madaxda maamulka iyo ciidamada gobolka wax wayn soo kordhin mayso. Kuwa la baddalanayna waxay ahaayeen muwaadinin fiican kuwa la keenayana waa muwadiniin” ayuu yiri Shaacuur.
Xildhibaanka ayaa waraysi Radio Daljir la yeelatay ku sheegay arinta in laga hadlo mudan oo xukuumadaha Puntlandna wax ka qaban waayeen ay tahay, yaa dila dadka masuuliyiinta ah? Maxaa loo doo dilaa? Iyo maxaa marna loo soo qaban waayay qof wax dilay.
Xildhibaanku wuxuu su’aal ka keenay sababta Koonfurta Gaalkacyo oo intaasi jirta ay uga dhici waayeen falal noocaan ah oo kale dhanka Puntland-na ay uga dhacayaan.
Arimahan oo dhan ayuu xildhibaanku sheegay inay u baahan yihiin in si toos ah loo wajoho oo dawladdu la timaaddo qorshayaal adag oo muuqda