Idaacadii Daljir ee Maamulka Puntland Xayiraada Saaray oo Dib Shaqadeedii u Bilowday Kadib 11 Cisho oo ay Hawada ka Maqnaayeen
Gaalkacayo 05.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka warfaafinta dawladda Puntland ayaa xayiraaddii uu dul dhigay ka qaaday warbaahinta Daljir oo kamid ah warbaahinta ugu waawayn Puntland.
Iminka Radio Daljir Hawada ayuu kusoo laabtay, waxaana soo galay hawada dhammaan idaacadihii la xannibay.
Xayiraaddan la qaaday ayaa ka danbaysay kadib markii dawladda Puntland ay la kulantay cadaadis ballaaran oo dhan caalami ah iyo codsiyo kala duwan oo loo kala diray dawladda.
Wafdi saxafiyiin ah ayaa dhawaan ka amba baxay caasimadda Puntland oo Gaalkacyo ku booqday madaxwaynaha si ay codsi ugu gudbiyaan, kaasoo u muuqda inuu iminka shaqeeyay.
Radio Daljir ayaa qaaddacday in raalli galin ay bixiso, maaddaama ay ku doodayso inaysan wax khalad ah galin.
Xoriyadda saxaafadda ayaa aad loogu qareemay, waxaana saxafiyiinta laga codsaday inaysan ku xadgubin anshaxa saxaafadda iyo mihnadda sharafta leh ee warbaahineed.