Kooxda Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Ku Guuleysatay Tartankii Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan Ee Garroonka Tima-cade
Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Waxa habeenkii xalay la soo gaba-gabeeyay tartankii kubadda koleyga bisha Ramadaan ee ka socday garroonka Timacade, waxaana koobkii tartankaas ku guuleystay kooxda ku ciyaaraysay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, kadib markii ay ka guuleysatay kooxda dhigeeda ee NEGAAD.
Tartankan oo uu qabtay Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, halka sidoo kalena dhanka maal-gelinta tartankan uu gacan ka geystay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxaana tartanka ka qeyb-galay siddeed kooxood oo ka dhisan caasimadda oo ilaa 15-kii bishii Ramadaan ku ciyaarayey garroonka Tima-cadde. Ciyaartii gaba-gabada tartanka oo la qabtay habeen hore ayaa waxay guushu ku raacday kooxda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo ku awood sheegatay 52 dhibcood, halka kooxda NEGAAD ka keensatay 44 dhibcood.
Xaflad loo sameeyay gunnaanadka iyo bixinta abaal-marinaha tartankaasi oo isla garoonka Tima-cadde lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay raxan wasiiro ah oo uu hor-kacayo wasiirka ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii kulanka Finalka ka soo xaadirtay Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Agaasimaha guud ee Ciyaaraha, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, Xildhibaan Maxamuud Warfaa, marti-sharaf iyo dadweyne aad u tiro baddan.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) oo ka hadlay xafladdaasi ayaa ka warramay tartankan iyo heerarka uu soo maray, isagoo dhallinyarada ku dhiiri-geliyey inay sii wadaan dedaalkooda kubadda kolleyga. Waxa kale oo uu u mahad-celiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo uu sheegay inuu door muhiim ka qaatay hir-gelinta tartankan, sidoo kalena waxa uu u mahad-naqay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo ka qeyb qaadatay dedaalka qabashada tartankan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen (Dhabeeye) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo uu ku sifeeyay shakhsiyaadka naadirka ah ee sida weyn u taageera ciyaaraha, gaar ahaana Kubadda Koleyga iyo horumarkeeda. Sidoo kale, Agaasime Dhabeeye oo uu ku boorriyay in ay masuuliyiinta kale ee dawladduna kaga daydaan Waasiirka Macdanta iyo Tamarta tallaabadan uu ku garab taagan yahay dhallinyarada dalkeena, waxaannu madashaas uga mahad-naqay masuuliyiinta Xidhiidhka Kubadda Koleyga ee soo qaban-qaabiyay tartankan oo ay siddeed kooxood heerka kowaad ahi ka qeyb-galeen.
Guud ahaan masuuliyiintii kale ee iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay xidhiidhka kubadda koleyga sida joogtada ah ee ay tartanka bisha Ramaadan u qabtaan, waxaana ay sidoo kale wasaaradda ciyaaraha iyo wasiirka Macdanta iyo Tamarta ku boggaadiyeen dedaalka muuqda ee dhanka kubadda koleyga.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa koobkii tartanka guddoonsiiyey kabtanka kooxda Macdanta iyo Tamarta, halka sidoo kale uu abaal-marinno kale guddoonsiiyey ciyaartoydii dedaalka la yimid intii uu tartankani socday, waxaana hadal uu halkaasi ka jeediyey uu qabashada iyo hirgelinta tartanka uga mahad-celiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Xidhiidhka Kubadda Koleyga. Waxa kale oo uu xusay inay wasaarad ahaan dedaal ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa guud ahaan ciyaaraha kala duwan ee dalka.