|

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray oo Daadefeeyay Sharci-nimada Xil ka Qaadistii Gudoomiye Faysal ee Marwo Rooda Axmed Yaasiin

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa Sharci daro ku tilmaamay Wareegtadii uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin.

Cali Guray iyo FaysalCali Guray ayaa Qoraal uu Xalay soo Saaray Wuxuu u dhignaa Sidan:-

Uj: Xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Saaxil

Waxan halkan ku cadaynayaa in warqadda xil ka qaadista Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil laguna baahiyay warbaahinta qaarkeed aanay waafaqsanayn Xeerka xisbiga isla markaana ay xadgud ku tahay Go’aankii Guddida Diiwaangelinta oo Gudoomiyuhu si joogto ah u caadaystay inuu ku xadgudbo,

Gobolka Saaxil wuxu ahaa gobolkii uu Xisbigu ugu sareeyay ee kaalinta 2aad uu ka galay tartankii xisbiyada iyo ururada xiligii Doorashadii Golayaasha Degaanka taas oo uga marag kacaysa taageerada mugga leh ey la garab taagan yihiin Xisbiga UCID.

Sidaa daraadeed talaabo aan haba yaraato eh lagala tashan isla markaana aan xisbigu wax talo ah ku lahayn oo lagu wiiqayo midnimad iyo wadajirka xisbiga UCID laguna burburinayo dhismaha xisbiga ee Gobolka Saaxil wax laga ogolaanayo maaha Gudoomiyaha.

Inta dacwadda ka dhanka ah Gudoomiyuhu ay dhan u dhacayso ee go’aanka Gudidu soo baxayo dhamaan talaabooyinka keli talisnimada ah ee Gudoomiyaha xisbigu ku kaco waxanu u aragnaa waxba kama jiraan cid ka aqbalaysa xil ka qaadista aan sharciga ahayn ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxilna ma jirto.

Dhamaan xubnaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga ee Gobolka Saaxil iyo guud ahaan bahwaynta UCID ee arkaya talaabooyinka waalida cas ah ee Gudoomiyuhu way ka soo horjeedaan burburinta xisbigooda heeganna waxay u yihiin talaabo kasta oy ku bedbaadinayaan xisbigooda xaqna way u leeyihiin

Sidaa daraadeed Gudoomiye Rooda sideedii ayay u wadan kartaa hawlaheedii dhamaan degmooyinka gobolkuna sidaa ha ula socdaan hana kula shaqeeyaan

Wa bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiye xigeenka 3aad

13533046_634259953391067_2483345724464251935_n

Comments are closed