|

Salaadiinta Iyo Haldoorka Gobolka Saaxil oo Iclaamiyey Shir lagu Qaban doono Deegaanka Baxarasaafka iyo Saska Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Salaadiinta gobalka Saaxil ee beesha Ciise Muuse oo u hormuud u yahay Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in ay beeshu dabayaaqadan bishan 7 shir ay kaga hadleyso aayaheeda ay ku qaban doonto deeganka Baxara Saaf ee degmada Laas-Geel ee gobalka Saaxil.
Shirkan ay ku dhawaaqen Beesha Ciise Muuse oo maalmihii u danbeyey Hargeysa laga dareemaayey qaban qaabadiisa ayaa waxaa uu yahay mid ay qabsoomidiisa ay xukuumadu sas weyn ka qabto isla markaana indho gaar ah ku eegayso.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa soo Abaabushay Qaybo kale oo ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Saaxil kuwaas oo ka soo hor jeeda Shirka ay Beeshaasi ku qabsanayso Deegaanka Baxarasaafka.

Comments are closed