Somaliland: Fanaan Hore Oo Siyaasi Isku Badalay Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa
Hargeysa,4,7,2016 (QJ/SDN) – Fanaanka caanka Farxaan Xidig ayaa ku xidhan magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyadoo xadhigiisa ay ka soo baxayaan warar kala duwan.
Farxaan Xidig ayaa la sheegay inuu dhowaan tagay magaalada Hargeysa, waxaana xidhay ciidamada booliska ee Somaliland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mr.Farxaan Xidig loo xidhay arrimo la xidhiidhay siyaasada, maadaama uu dhowaan ku dhawaaqay inuu u xuubsiibanayo siyaasada, isla markaana uu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Farxaan Xidig oo horay Muqdisho u yimid sanadkii 2012, isla markaana marar badan ku soo laabtay ayaa la sheegay inuu rabay Xildhibaan, si uu u bedelo booska Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka.
Somaliland oo horay ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa deegaanadeeda ka mamnuuc ah inay tagaan Siyaasiyiinta ama Mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Soomaaliya.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland oo ku aadan xadhiga Farxaan Xidig.