Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid oo Sheegay in Gudoomiye Faysal aanu Arag Xafiiska Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil & Sababta Faysal ka Hor taagan Tegista Berbera
Hargeysa 04.July 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa ka fal celiyey Xil ka qaadistii uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyay Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin .
Waxa uu Cali Guray qoraal uu ku faafiyey Dagalka uu ku leeyahay barta Xidhiidhka bulshada ee Facebook uu ku Sheegay inaanu Gudoomiye Faysal arag Xafiiska Ucid ee Gobolka Saaxil Isagoo Mugdi geliyay inaanu Miisaaniyadii Xisbiga ee dawladu siiso aanu wax ka gaadhsiin Isla markaana aanu Hal dollar ka bixin.
Cali Guray ayaa Qoraalkiisu u dhignaa Sidan:- “Xafiiska Gobolka Saaxil miyuu arkay meel uu ku yaal weligiise ma booqday. Miisaniyadda dawladdu xisbiga siiso wax ma ka gaadhsiiyaa. Hal doolar miyuu ka bixiyaa kharashka ku baxa.
Kiradiisa yaa bixiya Berbera inta xisbiga ku jirta cidna ma ka yaqaan? Xildhibaanada xisbiga ee Saaxil ninka yidhi UCID kuma jiraan isagu UCID mayahay mise waa sheegato.
Bal ha soo magacaabo cid oo ha fadhiisiyo kursiga, Gudoomiyaha Sedexda Gobol ee Galbeedku uma tirsana dalka intiisa badanna dhuumashuu ku tagaa. Awadal xegeeda ma eego Hargeysi way taqqanaa wax uu u sheegi karaa ma jirto.
Berbera salaad hore inta aan la soo toosin ayuu maraa hadii kale kuma baydho ee wuu dul maraa sheekh birayga kuma waabiyo Burcana Galbeedka xagiisa ma eego gooladda ugu horeysa ayuu bari ula laabmaa PALAZA HOTEL oo koox baratay oo casaabad ahi ku sugayso ayaa ugu horeysa.
Kooxdaa wuxu u yaqaan ama isaga dhigtaan reer isaga taageersan oo codkooda isaga siinaya waanu rumaystaa ama waa kuwa keliya ee uu wax ka rumaysto ilayn way barteen oo waxay uga garaacaan xadhiga uu jecel yahaye.
Markay 100 eray uu jecel yahay ugu celceliyaan ayuu kala bataa markay wuxu hayo ka saaraan ayuu isaga oo madaxwayne aan la dhaarin ah Hargeysa ku soo noqdaa.
Kuwa wax u soo yeedhiyaa was casaabadaa Daarul Nedwa, Jamaal waad ka qaadi kartaa ee ka qaad Caligurey ma xisbiguu kula leeyahay horta eri.
Ilaa xafiiskii keli ahaa ee shaqaynayay oo Galbeedka Burco ay dumar iskood u fureen oo kiradiisa sida ka Berbera ay iyagu iska bixiyaan ayuu intii ka shaqaynaysaba ku leeyahay waan kala diray.
Waa waalidaa cas uun wixiisu in aanu ahayn qof jira oo damiir leh oo dadnimo leh oo diin leh isaga ayaa isku markhaati furaya