“Waxaan ugu Baaqayaa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada inay Xidhaan Xafiiska Ucid ee Gobolka Saaxil ilaa inta ay soo Saarayaan Go’aankii Khilaafka Xisbiga Ucid” Marwo Rooda Axmed Yaasiin DAAWO
Hargeysa 04.July 2016 (SDN/QJ):- Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Sheegay doraad inuu Xilkii Gudoomiyenimo ee Gobolka Saaxil uu ka qaaday ayaa dhankeeda ku dooday inaanay Eng Faysal Cali Waraabe u aqoonsanayn Gudoomiyaha Xisbiga Ucid .
Rooda Axmed Yaasiin oo ah Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa Gudida Diiwaangelinta iyo ansixinta Xisbiyada qaranka ugu baaqday inay Xidhaan Xafiiska Ucid ee Gobolka Saaxil ilaa inta ay soo saarayaan Go’aankii Khilaafka Xisbiga Ucid ee ay Gacanta ku hayaan.