Beesha Gobolka Awdal ee Degen Gobolka Gabiley oo Taageeray Baaqii ka soo Baxay Suldaan Suldaan Ibraahim Jamac Samatar DAAWO
Hargeysa 04.July 2016 (SDN/QJ):-Beesha Gobolka Awdal ee Degen Gobolka Gebilay ayaa Taageeray Hadal ka soo Yeedhay Doraad Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo Sida fiinta uga qaylyay Caddaalad daro ay Beeshiisu ka tirsanayso Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi .
Beeshan ayaa ka Cadhootay Qaabka uu Gudoomiye Muuse Biixi u Magacaabay Hogaaanka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gebilay Kuwaas oo u dhigan Sidan:-
1.Axmed Maxamuud Shirwac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. –( Jibriil abokor-Reer Dalal ).
- Buraale Mawliid Aw Abdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Cabdale Abokor).
- Mursal Maxamed Odawaa – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Reer Xaad).
- Muumin Daahir Kaahin – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Reer Xareed).
- Saado Yuusuf Xuseen– In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor -Baho Cumar).
- Cabdi Cali Cilmi– In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Baha Cumar).
- Cismaan Muxumed Xuseen (Gees) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda Iyo Nabadgelyada Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Madigaan).
- Iid Cabdiraxmaan Sh. Cabdillaahi– In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa xidhiidhka Laamaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Akishe).
- Nimco Maxamuud Daa’uud – In maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Baha-cumar).
- Maxamed Xasan Maxamuud ( Ina Xasan Canjeex) – Xubin. (Gabooye).
- Mahdi Muxumed Guuleed – Xubin.. (Ugaadhyahan).
- Mustafe Xaaji Maxamuud Cabsiiye – Xubin.. (Jibriil abokor Dayrayahan).
- Sahra Cabdillahi Sheedaal – Xubin. (Jibriil abokor Bah-habar aadan).
- Cabdirisaaq Sh. Aadan Cali – Xubin (Cabdalle Abokor).
- Cabdisalaan Cumar Warsame – Xubin (Jibriil abokor-reer Dalal)
- Buux Maxamed Xaaji Aadan – Xubin.(Cabdale abokor).
- Aw Yuusuf Axmed Xasan – Xubin.. (Toljecle).