Madax Ka Tirsan Xukuumadda Oo Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Gobolka Saaxil Ugu Baaqay Inay Taageeraan Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera
Hargaysa 04.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Wershadaha Somaliland Cali Axmed Maxamed (Cali-dhagoolle) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Saaxil ugu baaqay inay taageeraan heshiiska Somaliland ku abshirtay ee ay la gashay shirkadda DP World, isla markaana heshiiskani yahay kii ugu horreeyey ee dalka iyo dadka reer Somaliland helaan.
Wasiir ku xigeenka Wershadaha Cali Axmed Maxamed ayaa dhalinyarada ku booriyey in aanay dheg u dhigin xubno si khaldan u fasirtay heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda DP World, kuwaasoo ka soo horjeeda horumarka gobolka Saaxil, waxaanu carabka ku dhuftay in heshiiskani yahay mid shaqo abuur ah oo muwaadiniin badani ka shaqo galayaan.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa isna dhankiisa waxa uu sharaxaad shaafinaysa qulluubta bulsho-weynta gobolka Saaxil ku fasiray muhiimada uu leeyahay heshiiskani isagoona sidoo kale baaq usoo jeediyey bahda dhalinyarada, aqoonyahanka iyo mudanta gobolka Saaxil, isagoo ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan Horumarka gobolka u soo hoydey isla markaana aaney dhageysan dad aan fahan badan ka haysan faa’iidooyinka uu leeyahay heshiiska DP World lala galay oo ah mid manfac badan u leh qaranka Somaliland.
Dhanka kale agaasimaha guud ee awqaafta ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyeeyey horumarka gobolka Saaxil “Waxaan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku amaanayaa horumarka ballaadhan ee la taaban karo ee shantii sano xukuumadiisu tallada dalka haysay ku tallaabsatey ee gobolka Saaxil, maadaama xukuumadihii ka horreeyey uu ahaa gobol cidlo ah heshiiskan hadda xukuumaddu dalka iyo dadka u keentayna waa mid kor u sii qaadaya horumarka gobolka Saaxil, sidoo kale masuuliyiintan ayaa xubno xildhibaano ah oo mucaaridey heshiiska dekada ugu baaqay inay sugaan wakhtiga la soo hordhigo golaha wakiilada ummaddana tashuushka ka daayaan, masuuliyiintan ayaa si wadajir ah amaan ballaadhan usoo jeediyeen safiirka Somaliland u fadhiya isu tagga imaaraadka carabta Baashe Cawil oo ay ku amaaneen waxqabadka la taaban karo ee uu muddadii xilka hayey ku tallaabsatey sidoo kale waxay ku mahadiyeen doorkii uu ku lahaa heshiiska xukuumaddu la gashay DP World, ugu dambayna masuuliyiintani ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland ku amaanay waxqabadka ay ka samaysay iyo siday uga shaqayso horumarka dalka.