Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo koobab guddoonsiiyey Kooxaha tartannadan ku guulaystay + Muuse Biixi oo orod uu ku wareegay garoonka Xawaadle kaga mahadceliyey soo dhawayn loo sameeyey
Hargeysa 03.July 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xidhitaanka tartamo kubadda cagta ah oo bisha Barkaysan ee Ramadaan ka socday garoomada Xawaadle iyo Aw Aadan oo ku kala yaal degmooyinka 26-ka June iyo Gacan-libaax ee Hargeysa siday ukala horreeyaan.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah saraakiisha KULMIYE iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, waxay socdaal ku tageen garoonka Aw Aadan oo lagu soo gunnaanadayey tartan halkaasi lagu qabtay bishii Ramadaan oo lagu xusayey Marxuum Sawirqaade Maxamed Daa’uud oo ka tirsanaa telefishanka HCTV oo shil baabuur ku geeriyooday sannadkii hore, waxaana halkaas ku dhaweeyey dhallinyaro iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tagay ciyaartii ka socotay, iyadoo guddoomiyuhuna halkaas ku guddoonsiiyey kooxihii ciyaarayey dirays uu xisbiga KULMIYE ugu talogalay oo ay dhallinyaradu si weyn u soo dhawaysay.
Intaas kadib Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysay waxay booqdeen garoonka kubadda cagta ee Xawaadle oo ay ka socotay ciyaartii u dambaysay ee tartankii bisha Ramadaanta, waxaanna halkaasi si wayn ugu soo dhaweeyey kumanaan dadweynihii daawanayey ciyaartaasi ahaa oo sacabka iyo sawaxan isla oogsaday isla ilbidhiqsiyadii ugu horreeyey ee uu guddoomiyuhu garoonka soo galay. Waxaannu soo dhawayntaasi kaga jawaabay orod guclayn ah hormaray taarabuunka afarta dhinac ee garoonka, iyadoo daawadayaashii halkaas ku sugnaa muddo daqiiqado ah kala jari waayeen sacab iyo sawaxan ay ku muujinayeen sida ay ula dhacsan guddoomiyaha iyo waliba taageerada ay u hayaan.
Guddoomiyuhu intaas kadib ka mid noqday oo uu badhtanka u fadhiistay dad fara badan oo daawanayey ciyaarta kama dambaysta ah oo ay ku tartamayeen labada kooxood ee HCTV iyo BARRE CONSTRUCTION, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo aan waxba la iskula hadhin, taas oo aakhirkii ku gebogabowday 1 : 0 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca HCTV.
Waxaanna Guddoomiyuhu halkaasi ku guddoonsiiyey koobabkii iyo abaalmarinihii kale.