“Ciidanka booliska in Aqoontooda kor loo qaado oo la kordhiyo tiradiisa, tayadiisaba, iyo qalabkiisaba waa Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.” Wasiirka Madaxtooyadda DAAWO
Hargaysa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka qayb gala munaaisbad balaadhan oo tababar loogu soo xidhayey Ducad ka tirsan Ciidanka booliska.
Munaasibadaasi oo ka dhacday Dugisga tababarka Ciidanka booliska ee ku yaala degmada mandheera ee Gobolka Saaxil, ayaa masuuliyiintii ka qayb galay waxa ka mid ahaa Wasiirka madaxtooyada, oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa.